28.7 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Xog: Imisa xildhibaan ayaa ku biiray mooshinka xasaasiga ah ee yaalla BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia waxaa sii kordhaaya Xildhibaanada ku biiray Mooshinka ka dhanka ah Heshiiska Maamulka Somaliland iyo Dowlada Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanada Mooshinka ku wareejiyay Guddoonka Golaha Baarlamaanka ee loo qeybiyay Xildhibaanada ayaa la sheegay inay ku biiren ilaa 6 Xildhibaan, halka ay horay ka ahaayen 21 Xildhibaan oo horay u gudbiyay Mooshinka.

Xildhibaanada ku biiray Mooshinka ayaa la sheegay inay ku baraarugeen Afar qodob oo lagu qeexay Mooshinka kuwaa oo halis galinaaya Qaraminada Somalia.

Xildhibaanada Mooshinkooda la qeybiyay iyo kuwa ku biiray Mooshinka ayaa si wada jira u sheegay in Heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka uu yahay mid xaaran ah.

Waxa ay sheegen in Baarlamaanka Somaliland uu la mid yahay Baarlamaanada u dhisan Maamul Goboleedyada waxa ayna tilmaameen in Xildhibaanada Somaliland ay ku kaceen qiyaano Qaran.

Sidoo kale, Mooshinka oo ka koobnaa illaa 4 qodob ayaa lagu sheegay in heshiiskaas uu khilaafsan yahay shuruucda caalamiga, sidoo kale waxaa ay ka dalbadeen Xukuumadda Soomaaliya in mowqif cad ka istaagto heshiiskaas.

Geesta kale, Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa inay codka u qaadan Mooshinka, waxaana la rajeynayaa in dhamaantooda ay isku garabsan doonaan badbaadinta Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News