Xog: Wasiirkii hore ee amniga DF oo aan wali wareejin hantida qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu qabyeeyay wareejinta Hantida Qaranka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wasiirkii hore uusan wareejin Gaadiidka loogu deeqay Wasaarada Amniga ee loogu tallo galay in loogu shaqeeyo Qaranka.

Gaadiidka uu wareejiyay Wasiirkii hore Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa la sheegay inay yihiin kuwo qabyo ah oo isla markaana aan loo dhameystirin Wasiirka cusub ee xilka kala wareegay.

Diiwaanka Gaadiidka Wasaarada ayaa sidoo kale la sheegay inay yihiin kuwo aad u farabadan balse Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu wareejiyay Seddex meelood laba meel.

Gaadiidka maqan ee aan wali lagu wareejin Wasaarada Amniga ayaa la sheegay inay yihiin kuwo uu Wasiirkii hore ugu deeqay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia kuwaa oo xiliga Doorashada looga bedeshay codadka.

Mas’uuliyiinta ka tirsan Dowlada ayaa la rumeysan yahay in mudada ay hayaan xilka Qaranka aysan ilaalin Hantida Qaranka ee loogu deeqo Dowlada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan wali jirin isla xisaabtan dhab ah oo muujineysa inay dhaawaceyso Qaranka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com