Xog: Itoobiya oo Addis Ababa ku casuumtay madaxda SSC-Khaatumo + Qorshaha Abiy

Laascaanood (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, dawladda Itoobiya ayaa casumaad u soo dirtay madaxda maamulka kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo, kuwaas oo ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu ka dalbaday inay Addis Ababa tagaan.

Itoobiya ayaa doonaysa in ay madaxda SSC kala hadasho arrimaha isbedelada siyaasadda gobolka, sida ka go’itaankooda Somaliland iyo arrimo ku saabsan damaceeda badda Soomaaliya.

Dhinaca SSC-Khaatumo oo aan xaqiijinay in casuumaadaasi soo gaartay ayaan ilaa hadda ka jawaabin u yeeridda Addis Ababa uga timid ee ra’iisul wasaaraha Abiy Axmed.

Madaxda SSC-Khaatumo qaarkood oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay xoogga saarayaan xaqiijinta yoolkooda oo ah in aysan hadda dhexgalin xiisadaha kacsan, gaar ahaan arrinta badda oo ah mid xasaasi ah.

Itoobiya waxay doonaysaa inay saameyn ay ku yeelato arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana casumaadaan ay u dirtay madaxda SSC loo arkaa mid ay ku maleegeyso dhagar siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Xogo hoose oo toddobaadkii hore soo baxay ayaa sheegayey in Itoobiya ay Nairobi ku qaabishay qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, si ay u marsato ajendaheeda guracan ee arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dhankeeda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ciyaareysa door siyaasadeed oo caalami ah, waxay kasbatay dareenka dunida, iyadoo damaca Itoobiya meel looga soo wada jeestay, waxaana la wada qiray in Soomaaliya ay dhanka diblomaasiyadda kaga guuleysatay Itoobiya.

Dhanka awooda, Soomaaliya ololaheeda diblomaasiyadda waxay ku dhex waday inay iskaashi militeri u hesho Itoobiya, waxaana difaac buuxa ka balan qaaday dalal ay ugu horeeyaan Masar, Turkiga iyo Eritrea, kuwaas oo laba kamid ah uu markii horaba dagaal kala dhexeeyey Itoobiya.