XOG iyo fallanqeyn ku saabsan ciidanka Gorgor ee Muqdisho laga soo dejiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho laga soo dejiyey cutubyo ka tirsan ciidanka Gor-Gor oo tababar ku soo qaatay dalka Turkiga, kuwaas oo diyaarad militeri ay ka soo dejisay garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale isla shalay ayaa boqolaal kale oo askari laga dhoofiyey magaalada Muqdisho, kuwaas oo tababarka Gor Gor ku soo qaadan doona dalka Turkiga, waana ururkii 7-aad, sida lagu shaaciyey qoraal ay baahisay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Ismaaciil Daahir Cusmaan oo horay u soo noqday Taliye ku xigeenka ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa waareysi uu siiyey VOA waxa uu uga warbixiyey goorta la bilaabay tababarka ciidankan Gor Gor, hanaanka lagu soo xulo iyo waxa ay kaga duwanyihiin ciidamada ay dowladaha kale u tababaraan Soomaaliya.

Ismaaciil waxa uu sheegay in heshiiska lagu tababaro ciidanka Gor Gor ay gashay dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Xasan Sheekh bishii May ee sanadkii 2018-kii.

“Xilligaas  shir ka dhacay magaalada London waxaa lagu heshiiyey in Soomaaliya loo dhiso ciidan 18-kun ah oo militeri ah, kaas oo dowlad goboleed kasta laga soo xulayo 3,000. Halkii mar waxaa la diraayey 300 oo askari oo ah hal urur, ciidanka waxaa laga soo xulaa deegaanada shanta maamul goboleed ee dowladda federaalka hoos yimaada,” ayuu yiri Ismaaciil Daahir.

Waxuu intaas ku sii daray “Tirada lagula heshiiyey in dowladda Turkigu ay u tababarto Soomaaliya waa 18 kun oo askari oo militeri ah, kuwaas maamul goboleed kasta laga keenayo 3,000, tan iyo markii uu tabarkaan bilaabay Turkigu waxaa yaraaday tababarradii kale ee dalalka caalamku ay siin jireen ciidamada Soomaaliya.”

Sidoo kale Ismaaciil Daahir waxa uu sheegay in hadda ay wax badan iska bedeleen hanaankii lagu soo xuli jiray ciidanka Gor Gor, isla markaana waayihii dambe ay Villa Somalia isku soo koobtay soo xulidda askarta ku biireysa Gor Gor ee tababarka loogu dirayo Turkiga.

Hoos ka dhageyso wareysiga