XOG iyo GORFEYN: Go’aankii Faroole ma u dhan yahiin Shacabka Puntland

Garowe (Caasimada Online) – Tan iyo xiligii Xukuumada Puntland ku dhawaaqday go,aankii ay xariirka ugu jartay Dowlada dhexe ee Soomaaliya waxaa isa soo tarayay wararka kala duwan ee ka soo baxaya shacabka reer Puntland.

Qaar ka mid ah Shacabka Puntland ayaa go,aanka uu ku dhawaaqay Madaxwaynaha Puntland u arka mid lagu deg degay halka kuwa kalena ku raacsan yahiin.

Shacabka ku dhaqan Gobalka mudug iyo Bari qaarkood ayaa ku tilmaamay tilaabada farole uu qaaday mid aysan shacabka Puntland ku raacsanayn ee asaga gooni u ah waxa ayna ku taliyeen in go,aankaa laga laabto oo la taageero dowlada Dhexe ee Soomaaliya.

Xasan Maxamed Axmed oo ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay xili uu Warbaahinta la hadlayay in Shacabka Puntland uu yahay mid ka shaqeeya horumarka Soomaaliya laakiin waxa uu sheegay in Xukuumada Farole ee waqtigeeda dhamaadka yahay aysan awood u lahayn in Soomaaliya kala fogayso.

Waxa uu sheegay in Fartole waqtigiisa dhamaad yahay islamarkaana  qorshaha uu wata yahay in uu Puntland uga tago dhibaato iyo Colaad iyo is nacayb soo kala dhaxgala umadda Soomaaliyeed ee walaalaha la yahay.

Madaxwaynaha Puntland ayaa mar kale Khamiistii  ku celiyay xili uu Salaada Ciida kaga qayb galayay Garoonka Kubada Cagta Mire Awaare in Puntland hakisay la sii shaqayntii Xukuumada Soomaaliya waxa uuna tilmaamay farole in Dowlada Soomaaliya soo buuxin wayday sharuudahii looga baahnaa.

Go,aanka farole ayaa keenay walaac badan iyo jaha wareer siyaasadeed iyada oo dad badan aaminsan yahiin in go,aankaa uu yaahy mid lagu deg degay halka kuwa kale u arkaan in uu ku sax sanaa mar hadii Dowlada dhexe Puntland ka khancin wayday waxyaabaha Cabashada keenay.

Xukuumada Puntland ayaa khilaaf xoogan kala dhaxeeyaa dowlada Soomaaliya waxa uuna khilaafkaa sii xoogystay wixii ka danbeeyay Bishii May xiligaa oo Garowe Socdaal ku tagay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan sheekh maxamuud.