Xog iyo Gorfeyn: Maxaa ugu wacan aaya-xumida iyo deganaansho la’aanta siyaasadeed ee dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta ka soo kacaamay tan iyo wixii ka dambeeyey Kacdoonkii Jabhadaha Hubeysan ayaa waxay mas’uulka yihiin Aaya-xumidda iyo Deganaansho La’aanta Siyaasadeed, Nabadeed iyo Bulsho ee ka jirta dalka Somalia.

Hoggaamiye-kooxeedyaddii caanka ahaa ayaa waxay ahaayeen kuwo hankooda ku koobnaa hurin colaadeed, Isbaaro Siyaasadeed iyo Barakicinta Malaayiin qof oo haatan Qaxooti ku ah dalalka deriska iyo kuwa Caalamka.

Hoggaamiye-kooxeedyaddaasi oo ku sidkanaa Maleeshiyooyinka iyo Cuqaasha Beelaha ayaa waxay si laga argagaxo ugu adeegsadeen si ay dadka u caburiyaan, isla markaana ay iyagu isku arkaan Hoggaamiyayaasha aan looga maarmin La-tashiyadda Masiirka Ummadda.

Tan iyo sannadkii 1992-kii ilaa 2003-dii Xaalladda Somalia waxay ahayd mid cakiran, iyadoo Hoggaamiye kasta afduub u haystay dadka ku nool Goballadda uu ka talin jirey.

Hoggaamiyayaashii Hubeysnaa ee Muqdisho ayaana ahaa kuwa ugu tunka weyn ee sida xooggan looga baqan jirey, iyadoo Maleeshiyooyinka ahaayeen kuwo kal-adag oo aan u diir nixin dadka maatida ee ay u geysan jireen Xadgudubyadda, siiba Isbaaradda, Dhaca iyo Dilka.

Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ee Goballadda W/galbeed waxay iyagu noqdeen kuwo u xusul-duubaya Riyo Siyaasadeed Gooni-gooasasho, inkastoo aanu ilaa iyo haatan hirgelin Hankaasi.

Somaliland iyo Somalilander hal-ku-dheg ah ayaana lagu beer laxawsaday dadka ku nool Goballadda W/galbeed, Togdheer, Awdal iyo Sanaag oo iyagu afduub ahaan go’doon looga dhigtay.

Hoggaamiyayaasha Goballadda W/bari Somalia, ayaa iyagana waxaa madax martay Puntland iyo Puntlander, waana Aragtidaasi waxay Siyaasiyiinta Goballaddaasi isku arkaan inay yihiin Dooroonayaashii Somalia iyo inaan looga maarmi karin Talada Qaranka.

Waa hubanti Hab-dhaqanka Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas inay tahay Siyaaasad-xumidda uu ku hagayo Mujtamaca ku nool Goballadda Puntland.

Hiigsiga Cusub ee Somalia, Federalismka iyo Maamul-gobaleedyadda ayuu C/weli Gaas u dhigtay Isbaaro, isagoo Maxfal kasta la taagan Waxay Puntland diidan tahay laguma khasbi karo.

Waxa uu si cadiifad halgan siyaasadeed xambaarsan ku doonayaa inuu si gacan maroorsi ugala wareego Madaxda Qaranka sidii loo hagi lahaa Masiirka Ummadda.

Waa hubanti in Kulankii Madasha Qaranka Somalia uu carqalad geliyey Jadwalkii Shaqada, wuxuuna qeylo-dhaan ka muujiyey Maamulka Galmudug oo uu u arko Khatarta ugu weyn ee Puntland.

Haddii uu Tisqaado Kulanka Madasha Qaranka waxay arrintu noqon doontaa in Cod Dheeri si Dimuqraado leh ay u codeeyaan Maamul-gobaleedyadda, iyadoo haatan lagu hawlan yahay Dhismaha Maamulka Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan sababaha uu C/weli Gaas waxkasta u mucaaradayo tahay Khatarta ku soo socota, iyadoo dadka hoos taga Maamulka Khaatumo qorsheynayaan inay noqdaan Maamul-gobaleed dhamaystiran oo ka mid noqda Maamul-gobaleedyadda hoos taga Dowladda Dhexe ee Federalka.

Si kastaba ha ahaatee, Siyaasadda Somalia ayaa haatan mid sirxan, iyadoo Madaxweynaha Dowladda Federalka ku soo faruurmeen Caqabado Adag, waxaana la hubin inuu mar kale ku soo laaban doono Kursiga Madaxtinimadda ee uu xilligiisu gabaabsiga yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com