Ban oo farriin u diray siyaasiyiinta Soomaaliya.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay uu shir aan caadi aheyn Dalka Mareykanka uga furmay Madaxda QM iyo Dowlada Somalia ayaa waxaa shirkaasi khudbad Somalia khuseysa ka jeediyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon.

Ban Ki-moon oo ka duulayay Khilaafyada u dhexeeya DF Somalia ee ragaadiyay horumarka dalka ayaa waxa uu baaq wax ku ool ah u diray Siyaasiyiinta Somalia.

Ban Ki-moon ayaa Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in dhankooda ay ka hirgaliyaan horumaradda dalka iyo Hiigsiga 2016-ka oo aad moodo in mudooyinkaani danbe ay ka jiifteen kaalintooda.

Ban Ki-moon waxa uu sheegay in Somalia ay guulo muhiim ah ku tallaabsatay, islamarkaana loo baahan yahay in la xoojiyo guulahaasi la gaaray oo horay loo sii wado, waxa uuna Siyaasiyiintu ku dhaliilay inaysan u jilicsaneyn ka shaqeynta aayaha dalka oo ay iyagu isku mashquuleen.

Waxa uu tilmaamay in Somalia ay heysato cilad Siyaasadeed taasina looga bixi karo in garabka ay isqabsadaan DF Somalia, Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ban Ki-moon waxa uu soo hadal qaaday arrimo ay kamid yihiin dib u eegista Dastuurka, Dhismaha guddiyada qaran ee doorashada iyo madasha wadatashiga qaran ee dhawaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ku heshiiyeen in la adkeeyo.

Waxa uu ku taliyay in laga faa’iideysto taageerada ay Somalia ka heysato caalamka intiisa kale waxa uuna ballanqaaday in QM ay sii laba jibaari doonto aaya ka talinta Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

Geesta kale, Ban Ki-moon ayaa madaxda DF Somalia ugu baaqay inay wada hadalo muuqda ay la furaan garabyada kasoo horjeeda Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com