CCC oo sabab u yeelay culees saaran dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa ka hadlay cunuqabateynta dhanka hubka ee saaran dalka Soomaaliya tan iyo 1991.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa arimo badan u sababeeyay culeeska dhanka hubka ee saaran dalka Soomaaliya muddo ka badan 20 sano, isaga oo arinta ugu horeysa ku sheegay ineysan jirin ciidan qaran oo dowlada Soomaaliya leedahay.

Qodobka labaad ayuu ku sheegay in ciidamada ku sugan Soomaaliya ay badankood u abaabulan yihiin qaab qabaa’ileed taanisa ay sii adkeysan in Soomaaliya laga qaadi waayo cunaqabateynta dhanka hubka ee saaran Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay iney waddo dadaalo lagu sameynayo ciidan isku dhafan oo qaranka Soomaaliya leeyahay, si guulo looga gaaro dhanka amaanka loona qafiifiyo cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya.

Xukuumadii ka horeysay ayaa sameysay dadaalo lagu qafiifiyay cunaqabateynta waxaase wali dalka Soomaaliya ka mamnuuc ah hubka culus.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com