Xog: Xiisada Xasan iyo Jawaari oo gaartay heer uu Jawaari qaado…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Khilaafka iminka ka dhextaagan Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu gaaray Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa khilaafkaasi u gudbiyay Wakiilada, isaga oo sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan mas’uul ka noqon doonin baalmarka lagu sameeyay Qodobka 91aad ee Dastuurka.

Jawaari waxa uu sidoo kale, Wakiilada kuwargaliyay inuu u hogaansami doono wixii sharciga uu qabo, balse uu cadeynaayo in dastuurka dalka uu dhigaayo in marka uu Madaxweynaha waqtigiisa dhamaado Guddoomiyaha Baarlamaanka uu sii heynayo xilka, inta Madaxweyne laga dooranayo, hayeeshee uu Xassan Sheekh ka biyo diiday.

Sidoo kale, Jawaari waxa uu Wakiilada u cadeeyay in Jadwalka Siyaasadeed ee dalka uu gali doono xaalad ka duwan kan iminka taagan, waa haddii aan loo hogaansamin waxa uu qabo dastuurka, waxa uuna intaa raaciyay in ka Guddoomiye ahaan uusan qabin dhaliil dhaafsan qodobka ku qoran sharcida dalka ee la baalmaray.

Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in khaladaadka jira uu ka horcadeeyay Madaxda Madasha Qaranka min dowlada ilaa Maamulada dalka, hayeeshee aan habayaraatee waxba laga su’aali doonin sharciga uu jabiyay Xassan Sheekh.

Dhinaca kale, waxa uu Wakiilada ka dalbaday inay soo dadajiyaan dhaqaalaha dhankooda ku maqan ee la filaayo in looga gudbo doorashooyinka dalka ka dhici doona.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com