Xog: Xasan oo 9 sabab dartood u sheegay inuu xilka wareejineyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo maalmo qura ay uga harsan tahay xilka uu hayo, ayaa ka biya diidan in xilkaasi uu ku wareejiyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xassan Sheekh ayaa ku doodaya in mas’uuliyad gaar ah ay ka saaran tahay dalka, sidaa darteedna uu xilka ku wareejin doono keliya Madaxweynaha isaga bedeli doona.

Xassan Sheekh ayaa diidmada xil wareejinta ku sheegay 9 sababood oo ku xeeran xaalada dalka waxaana kamid ah:-

1-Sababta koowaad ayuu ku sheegay inay tahay in dalka uu gali doono xaalad degdeg ah.

2-Sababta labaad ayuu ku sheegay in amniga dalka uu faraha ka bixi doono haddii xilka laga wareejiyo, isla markaana la weyn doono fursad lagu qabto doorashada dalka.

3-Sababta seddexaad ayuu ku sheegay in Hantida dowlada ay u gacan gali doonto kooxo iminka la saaray cadaadis.

4-Sababta afaraad ayuu Xassan Sheekh ku sheegay in dalka uu ka dilaaci doono kooxo daniistayaal ah oo doonaaya in Somalia ay dib ugu laabato dhowrkii sano ee laga soo gudbay.

5-Sababta shanaad ayuu ku micneeyay in faragalin shisheeye oo ka badan tan hadda jirta ay dhici doonto, iyadoo halkudhig laga dhigan doono in Somalia ay gashay xaalad degdeg ah.

6-Kalsoonida caalamka ay ku qabto Somalia oo lumi doonto waa haddii uu wareejiyo xilka uu hadda hayo, isla markaana wakhtiga uu xilka ugu egyahay la gaaray.

7-Ciidamada Africa ka jooga Somalia oo lasoo kordhin doono iyada oo sabab laga dhigaayo in Somalia ay gashay xaalad degdeg ah, loona baahan yahay ciidamo dheeri ah.

8-Kooxaha Argagixisada oo ku dhiiran doona in dowlada ay kala wareegan talada maadaama uu dalka galaayo xaalad degdeg ah.

9- Xassan Sheekh waxa uu cabsi ka muujiyay in dalka uu dib ugu laabto KMG, bacdamaa uu rumeysan yahay in wakhtiga ka dhamaaday darteed xilka looga wareejiyo, taasi oo fursad u noqon doonta caalamka.

Madaxweyne Xassan Sheekh waxa uu sheegay in xilka uu sii heyn doono inta laga helaayo Madaxweyne kale oo kala wareega xilka Madaxweyninimo ee Somalia.

Dhanka kale, waxa uu sii heynta xilka madaxtinimo ku micneeyay inuu kasoo horjeedo inay dhacdo 9-ka qodob ee kor ku xusan oo sabab u noqonkarta in Somalia ay dib ugu laabato halkii dhowr sanno ay taagneyd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com