Dib u dhaca doorashada oo ka weyn sidii marka hore la mooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay shaki badan ka muujinayeen dib u dhaca ku yimaada doorashada sanadkaan ayaa waxaa xildhibaan Shariif uu shaaciyay muddada dib u dhaca ee doorashada sanadkaan.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle ayaa sheegay iney cadaatay in dib u dhaca doorashada sanadkaan ay  tahay muddo labo bilood ah, sida lagu arkay Jadwalka hordhaca ah ee laga helay madaxda madasha wadatashiga qaran ee dalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in maadaama ay dib u dhac doorasho dhaceyso in loo baahan yahay in la sharciyeeyo dib  u dhacaasi ku imaanaya doorashada sanadkaan.

“Jadwalku waa cad yahay, waxaa lagu beegay aqalka hoose ama baarlamaanka 14 October, aqalka sarena waa September dhexdeeda, tan madaxweynahana 7 November; arrinta baarlamaanka awalba waxaa la yiri wey sii shaqeynayaan inta baarlamaan cusub laga dhisayo, arrinta madaxweynaha oo ku eg 10 September”

“Waxaad moodaa wax ku dhow laba bilood in dib u dhacayso wakhtigii doorashadiisa la rabay, arrintaa kolley haddii la doono sharciyadda waa la waafajin karaa, siyaabo badan ayaana loola mucaamili karaa, in guddoomiyaha baarlamaanku uu sii hayo ayaa dhici karta inta la dooranayo madaxweyne cusub, in baarlamaanka ka fariisto oo talo ka gaaro ayaa dhici karta”, waana sida uu hadalka u dhigay xildhibaanku.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in iminka shakigii badnaa uu ka baxay maadaama ay cadaatay in dib  u dhac doorasho dhaceyso.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com