Odowaa oo shaaciyey shaqsiga uu xilkiisa ku wareejinayo (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa shaaciyay in xilka wasaaradiisa uu kaga tagayo madaxweynaha maamulka Ahlus unna.

Ujeedada hadalkaasi ka dambeeya ayaa waxaa wasiirka arinaha gudaha wuxuu ku sheegay iney tahay in maamulka Ahlu sunna ay qeyb ka noqdaan  dowlada dhexe ee dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in xilal muhiim ah Ahlu sunna laga siinayo dowlada dhexe si ay u qancaan.

Odowaa wuxuu sheegay in madaxweynaha Ahlu sunna muddo badan uu kula sugnaa magaalada Dhuusomareeb uuna kala hadlay arimo badan oo ku saabsan sidii ay kaga qeyb qaadan lahaayeen dowlada dhexe ee dalka.

Aniga Afar habeen iyo Afar maalmood ayaan la soo joogay Sheekh Shaakir Dhuusamareeb waxaanan ka wada hadlin ma jirto anoo matalaya Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha”

“Waxaan u sheegay Baarlamaanka, Maamulka Madaxdiisa iyo ciidamada inay wax ka qaataan, inay dadka u turaan waaye aas aaska, hada ayaan ku celinayaa Kursigaan Wasiirka Arimaha gudaha ayaan ku wareejinayaa, hadii uu ku qancaayo weli miiska ayuu u saaran yahay,

Wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in maamulka Ahlu sunna looga baahan yahay iney u sabraan shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in wasaarada arimaha gudaha uu u baneynayo masuuliyiinta ugu sareyso maamulkaasi si ay ugu qeyb noqdaan dowlada dhexe.

“Laakiin waxaan rabaa qofka inuu dadkiisa u naxo dalkiisana u naxo, ogaadana dadka Somaliyed xagee u socdaan inay isku tagaan oo ay isku aruuraan, aniga waxaan aaminsanahay inay hada xalis mayaan Kooxdaasi iyo dadka Somaliyed meel kasta oo ay joogaan.” Ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com