Kacdoonka qabiiliga ee Ethiopia ka socdo oo meel xun sii gaaray

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya banaanbaxyada ay sameynayaan qaar kamid ah shacabka ku nool dalka Ethiopia oo ay kaga soo horjeedaan ineysan helin xuquuqda dhanka dhaqaale iyo midda siyaasadeed ee dalkaasi.

Ku dhawaad lix ruux ayaa ku dhimatay gobolka Gondar ee dalka Ethiopia kadib markii ay isku dhaceen dadka banaanbaxyada sameynaya iyo ciidamada booliska dalkaasi, waxaana magaalada Addis Ababa lagu xiray dadweyne banaanbaxyo sameynayay.

Masuuliyiinta dowlada Ethiopia ayaanan ka hadlin dhibaatada ka dhalatay banaanbaxyada, iyadoo jimcihii ilaa iyo hadda dhimashada ay sideed ruux ku dhowdahay, halka boqolaal kale lagu xiray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Dadka Oromada ayaa kasoo horjeeda in dhaqaalaha dalka aan loo sinneyn islamarkaanaay jirto faquuq lagu sameeyo dadkooda, waxaana dhimashada shalay ay timid kadib markii dad Oromo banaanbax sameynayay ciidamada ay xireen.

Dowlada Holland iyo dowlado kale ayaa durba soo saaray digniino muwaadiniintooda u jeedinayaan oo ah ineysan tagin dalka Ethiopia ilaa inta ay ka joogsanayaan xasaradaha dhanka qabaliga ee ka taagan dalkaasi.

Caasimada online
Xafiiska Ethiopia
Caasimada@live.com