Wasiir ODOWAA oo u Jawaabay odayaasha Xawaadle iyo xaalka…

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa ka hadlay qorshe wasaarada ay ku dooneyso iney dib loogu bilaabo dhismaha maamulka Hiiraan  iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka oo warbaahinta qaranka la hadlayay ayaa sheegay in wasaarada arimaha gudaha marnaba aysan ka quusan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, isagoo sheegay in wali uusan jirin wax fashil ah oo shirkaasi ku yimid.

C/raxmaan Odowaa ayaa si cad ugu jawaabay odayaasha dhaqanka ee Xawaadle oo doonaya in gobolka Hiiraan marka hore labo loo kala qeybiyo kadibna la eego go’aankooda haddii ay raacayaan Shabeelaha Dhexe ama haddii aysan raaceynin.

Wasiirka waxa uu sheegay in marnaba Hiiraan aan loo qeybin doonin labo gobol sababtoo ah buu yiri dastuurka waxaa ku qoran 18 gobol oo Soomaaliya ah haatanna aan lagu dari karin gobol kale.

“Wali kama aanan quusan dhismaha maamulkan, Hiiraana labo gobol ma loo kala jari karo waqtigan sababtoo ah dastuurka waxaa ku qoran 18 gobol, waana ku dadaali doonaa sidii dhismaha maamulkaan loo dar dare gelin lahaa”ayuu yiri wasiir Odowaa.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe wali uusan qaadan sanad marka loo eego maamulada kale oo seddex ama labo sano ku dhismayay, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com