SAWIRRO: Gaas oo looga yeeray XALANE iyo kulan adag oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta Xalane kulan saacado qaatay kula yeeshay kusimaha danjiraha Britain ee magaalada Muqdisho Andrew Allen.

Kulanka C/wali Gaas iyo Andrew Allen, ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka kala tirsan labada dhinac waxa uuna ahaa mid leysku weydaarsanaayay xaalada guud ee Somalia, doorashada, amniga iyo garab istaaga Puntland.

Andrew Allen, oo lahaa sababta kulanka ayaa C/wali Gaas si gaar ah uga wareystay doorashada waxa uuna Cabdiwali sheegay in Puntland aysan raali ka aheyn dib u dhaca doorashada hayeeshee ay ku qasbanaayen inay taageeran go’aanka dib u dhigista.

Andrew Allen, ayaa C/wali su’aal ka weydiiyay suuragalnimada in mar kale ay dhacdo dib u dhac waxaana aragtidaasi qaadacay Gaas oo sheegay in halkaani ay arrin uga dhan tahay.

Gaas waxa uu Mr Andrew Allen xasuusiyay in dib u dhacyada doorasho ay sabab u tahay miisaaniyad la’aanta dowlada, waxa uuna ka codsaday in dowlada Britain ay dhankeeda ka dadaasho islamarkaana ay la imaado horusocod.

Andrew Allen iyo Gaas ayaa isla fahmay in la taageero Doorashada, Amniga islamarkaana meesha laga saaro wax waliba oo khilaaf u horseedi kara labada dhinac.
1

2

3

4