Xog: Xasan Sheekh & Jawaari oo shirar iska soo horjeeda qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) –Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in meel xun uu gaaray khilaaf hoosaadka ka dhex aloolsan Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Wararku waxa ay sheegayaan in labada mas’uul ay kulama iska soo horjeeda oo ka kala dhacay Madaxtooyada Somalia iyo hooyga Guddoomiye Jawaari.

Labada kulan ayaa la sheegay in midba midka kale lagu burburinaayo, waxaana la sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ku dadaalaayo sidii xal looga gaari lahaa kacdoonka uu wado Jawaari kaasi oo ka dhashay in 10 September uu Xassan Sheekh iska soo wareejiyo xilka.

Guddoomiye Jawaari ayaa soo qaatay qodobo ka mid ah Dastuurka oo dhigaya in marka Madaxweynaha xilka ka dhamaado inuu xilka sii heynayo Guddoomiyaha Baarlamaanka, waana tan keentay in Xassan Sheekh uu shaki ka muujiyo saaxiibtinimada Jawaari.

Xassan Sheekh ayaa shiriyay xubno isaga ku dhow dhow si ay wada hadal ula furaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, oo isaga kasoo horjeeda in wixii ka danbeeya 10 September uu Xassan xilka sii hayo.

Sidoo kale, Jawaari ayaa shirirar xubno ka kala tirsan labada Gole iyo qeyb kamid ah Gudiga isaga oo sharaxaad fog ka siiyay waxa uu sharciga qabo kuna cad Qodobka 91aad ee Dastuurka dalka.

Jawaari waxa uu xubnahaasi kala hadlay arrimo dhowr ah oo laga qarshay saxaafada, balse waxa ay xogtu muujineysaa in Jawaari uu xooga saaraayo sida lagu dhaqan galin lahaa waxa ku qoran dastuurka dalka.

Khilaaf hoosaadka labada mas’uul ayaa muujineysa in lagu loolamaayo sharciga dalka.

Xassan Sheekh ayaa u arka tallaabadan mid maji xaabin karta halganka uu ugu jiro inuu dib u soo laabto, waxaana arrinta ugu weyn ee maalmahan la isku hayay ay aheyd marka la sameeyo muddo kordhinta iyo cida awooda dalka sii heyneysa.

Lama saadaalinkaro sida uu xaalku noqon doono balse waxaa cad in Xassan Sheekh iyo Jawaari ay faraqa is heystaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com