Xog: Jawaari oo ku hanjabay arrin Xasan Shiikh wel-weli gelisay iyo Xasan Sh. oo digniin bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu danbeeyay Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu qarka u saaran yahay inuu qaato go’aan adag oo xaaladda Soomaaliya wax ka bedeli kara, kadib muddo 11 maalmood ah oo uu ku jiray wadatashi iyo feker ku saabsan sidii uu ka yeeli lahaa mooshinka culus ee uu qabtay.

Qodobka ugu adag ee sharciga ah oo guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) u baahan inuu go’aan ka gaaro ayaa ah halka loo gudbinayo mooshinka si sharciga loo waafajiy qodobada lagu soo eedeeyay Madaxweynaha.

Iyadoo aanay hadda jirin maxkamadii Dastuuriga ahayd ee u xil saarneyd arrintan ayaa Prof. Jawaari ka fekerayaa in loo gudbi karo Maxkamadda sare oo uu sii-haye hadda ka yahay Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn uga horjeeda in Maxkamadda sare loo gudbiyo mooshinka, isagoo ku doodaya inaan Ilka-xanaf lagu aamini karin masiirka dowladda Federaalka, wuxuuna si cad ugu sheegay prof. Jawaari hadii uu tallaabadaasi ku dhaqaaqo ay noqon doonto dhammaadkii dowladda Federaalka, isagoo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo aan hore loo arag.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa dhinacooda cadaadis ku saaraya Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu dedejiyo mooshinka oo iska gudbiyo ama horkeeno xildhibaanada Baarlamaanka, waxayna wadaan olole ay ku doonayaan in loo gudbo tallaabada xigta ee mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com