Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu Jawaari ku wargaliyay inuu u diyaar garoobo in mar kale uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Somalia.
Madaxweyne Xassan ayaa Jawaari u sheegay in uusan dalka ka maarmikarin, sidaa aawgeedna uu mar kale u caleemasaari doono hogaaminta Baarlamaanka cusub ee imaan doona bilaha soo socda gudaheeda.
Xassan ayaa sidoo kale Jawaari u sheegay in shaqsi ahaantiisa uu kaalin weyn ka qaadan doono soo laabashadiisa, taa badalkeeduna Jawaari looga baahan yahay inuu ka shaqeeyo qaabkii uu Mar kale isna ku noqon lahaa Madxaweynaha Somalia.
Xassan Sheekh oo tixraacaya maslaxadiisa, ayaa waxa uu Jawaari u cadeeyay inuusan uga maarmikarin dhexgalka Xildhibaanada cusub, waxa uuna ka dalbaday in dhankiisa looga baahan yahay in Xildhibaanada cusub uu usoo jeediyo dhankiisa si ay codka usiiyaan.
Jawaari ayaa dhankiisa ka cudurdaartay Codsiga Xassan Sheekh, waxa uuna sheegay in mudada uu yahay Guddoomiyaha BFS uu ka dhexlay xanuuno badan, sidaa aawgeedna ayba suuragal tahay inuusan dhameysan wakhtiga u harsan, iskaba daaye in mar kale uu xilka qabto.
Jawaari ayaa sidoo kale, Xassan Sheekh ka codsaday inuu ka aqbalo in loo ogolaado inuusan dhameysan wakhtiga u haray, hayeeshee Xassan Sheekh uu codsigaasi ku gacanseeray.
Madaxweyne Xassan oo ka duulaaya diidmada Jawaari, ayaa waxa uu arrintaasi u xilsaaray tirro Wasiiro iyo Xildhibaano si ay Jawaari ugu raali galiyaan in wakhtigiisa uu dhameysto misna ku raali noqdo in mar kale loo carbiyo Baarlamaanka cusub si uu Xassan Sheekh u gaaro hadafkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, UJeedka qorshaha Xassan Sheekh ayaa ah in Jawaari uu ka dhigto Jaran-jaradii uu kusoo fuuli lahaa kursiga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

