Xog: Jawaari oo Xasan kala saftay xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa si adag kaga hadlay mooshinka xildhibaanada Soomaaliya ay ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Afhayeen Jawaari, wuxuu sheegay in dhawaan loo gudbiyay xafiiskiisa mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, kaasi oo dhaliilo badan loogu jeedinayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay gudi gali doonaan waxyaabaha la xiriira mooshinka iyo waxyaabaha sababay in xildhibaanada baarlamaanka ay soo gudbiyaan mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheikh.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in mooshinkaan la diiwaan galiyay, waxaana mooshinkaan uu noqonayaa kii labaad ee Baarlamaanka hor yimaada kaas oo ka dhan ah Madaxwaynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana l ogayan sababta xiligaan kusoo beegtay.

Xildhibaanada ayaa Xasan Sheikh ka codsaday inuu baneeyo kursiga ugu sareeya Dalka, waxaana haatan mudadiisii uga haray 6 bilood oo qura, iyadoo lix bilood ka dib qorshaha uu yahay in doorasho ka dhacdo dalka lagu soo doorto badalka madaxweyne Xasan Sheikh.

Caasimada Online
Xafiska Muqdisho
Caasimada@live.com