24 C
Mogadishu
Monday, February 9, 2026

Xog: Maxaa ka dhacay madaxtooyada Puntland?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in habeenimadii xalay uu aqalka Maamulka kulan gaar ah uu ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

Kulanka oo wakhti qaatay ayaa waxa ay labada mas’uul ku lafa-gureen Xaalada guud ee Somalia, Amaanka, Doorashada iyo sida Puntland looga dhaadhicin lahaa 4.5.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo kulankaasi gaarka ah uga faa’iideysanaayay Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ka danbeysay in Puntland ay qaadacdo nidaamka 4.5.

Gaas waxa uu ku andocooday in shaqsi ahaantiisa uu yahay mid matala dhammaan shacabka ku hoos nool Maamulka Puntland taasina ay ka turjumeyso in lagula xisaabtami doono go’aan uu ka gaari doono 4.5, sidaa darteedna ay Puntland ku qaadacday heshiiskii ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu heshiiyay 4.5.

Gaas waxa uu Mr Michael Keating u sheegay in go’aanka shirka Muqdisho kadib uu qaabilay Odayaasha Puntland kuwaasi oo uu sheegay inay ku gacanseeren.

Michael Keating, ayaa inta lagu guda jiray kulanka dhankiisa ka sheegay in Beesha Caalamku aysan ku faraxsaneyn in Puntland ama maamul kale uu ka hor imaado waxyaabaha suuragalin kara heshiis dhexmara Dowlada Somalia iyo maamulada dalka.

Michael Keating waxa uu sheegay in ujeedka socdaalkooda uu yahay in Puntland ay ka tanaasusho mowqifkeeda si aysan sabab ugu noqon dhibaato hor leh oo ku imaada nidaamka ay Caalamka u dejiyeen qaabka doorasho.

Michael Keating ayaa sidoo kale C/wali Gaas ku cadaadiyay maadaama uu mas’uul ka yahay shacabka Puntland uu isaga un ka dhaadhiciyo inay qaatan 4.5.

Dhanka kale, Madaxweyne Gaas iyo Michael Keating ayaa ku wada ballamay in la qaato nidaamka 4.5 islamarkaana shacabka Puntland lagu qanciyo inay qaatan nidaamkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News