Xog: Jenaraal GALAAL oo dilay xubno Al-Shabaab ah ka hor inta uusan dhiman

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan kuwa amaanka iyo shaqaalaha hoteelka Afriik, Allah ha u naxariistee Janaraal Maxamed Nuur Galaal ayaa muddo 40 daqiiqo dagaal la galay kooxdii soo weerartay hoteelka Afriik ee Muqdisho shalay gelinkii dambe. 

Ilo kuwa amaanka ah, qaar kamid ah dadkii la soo badbaadiyay iyo shaqaalaha hoteelka, ayaa maanta oo Isniin ah Caasimada Online u sheegay in Janaraal Galaal uu dilay laba dagaalame oo Al-shabaab ah, ka hor inta uusan dhiman. 

Janaraalka ayaa markii uu weerarka dhacay u cararay qolkiisa oo uu u yiilay qori iyo rasaas, waxaana la sheegay in kooxda ay si toos ah u tagtay qolka Janaraalka. 

Marxuum Galaal, ayaa dilay laba qof oo ka mid aheyd dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo ujeedkooda ahaa in ay dilaan. Marxuumka ayaa dhaawacmay waxaase la sheegay inuu tabar dhigay kadibna waxaa dilay dagaalame 3-aad oo Al-Shabaab ah. 

“Waan maqlaynay in dagaalka hal meel ka socday, waxaan is lahaa, yaa caawa la dilayaa, waayo Al-Shabaab dad kalaba ma raadin intuu uu dagaalka socday,” ayuu yiri qof ka mid ah dadkii xalay goor dambe laga soo saaray hoteel Afriik. 

Al-Shabaab waxay sheegeen in ujeedka weerarkooda ahaa Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ay sheegeen in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay dilka Aadan Xaashi Ceyrow, hogaamiyihii Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa dejiyay qorshayaal dagaal oo lagu dhameeyay Al-shabaab.