Xog: Josep Borrell oo maanta kusoo wajahan Muqdisho

Brussels (Caasimada Online) – Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Josep Borrell ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online. 

Borrell ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxwenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida aan xogta ku helnay. Waxaa sidoo kale suurta-gal ah inuu la kulmo madax goboleedyada ku sugan caasimadda, balse taasi ma hubna.

Wax faah-faahin ah lagama bixin ujeeddada booqashada Borrell ee Muqdisho, hase yeeshee waxaa la filayaa inuu madaxda dowladda federaalka kala hadlo arrimo ay ka mid yihiin; xiriirka Midowga Yurub iyo Soomaaliya, kaalmada ururka uu siiyo Soomaaliya iyo arrimaha abaaraha. 

Waxaa suurta-gal in booqashadan ay qeyb ka tahay dadaal ay beesha caalamka sare ugu qaadeyso wacyiga abaarta Soomaaliya, oo hay’adaha QM ay sheegeen inay saameysay kala bar dadka Soomaaliyeed. 

QM ayaa toddobaadkii hore ka digtay in bilaha October illaa December ay Soomaaliya ka dhici karto macluul, haddii aan si deg deg ah loo qaadin tallaabooyin gargaar baaxad leh loogu fidinayo Soomaaliya.

Hay’adaha QM ayaa sheegay in loo baahan yahay $1 bilyan oo dollar oo gargaarkaas lagu fidiyo. 

Caasimada Online ayaa horey u qortay in dowladda federaalka ay kasoo horjeeddo in beesha caalamka ay ku dhowaaqdo in macluul ay ka jirto dalka, ayada oo rumeysan in heekra abaartu aanay gaarin macluul.

Sheegashada hay’adaha QM iyo beesha caalamka iyo xaqiiqda abaarta dalka ka jirta ayaa la rumeysan yahay inay aad u kala fog yihiin, islamarkaana aysan sax aheyn in 7.8 milyan oo Soomaali ah ay abaartu saameysay. 

Hay’adaha caalamiga ah ayaa caan ku ah in ballaayin dollar ay kusoo qaataan magaca Soomaaliya, haddana xitaa 10% lacagtaas aysan gaarin shacabka Soomaaliyeed.

Lacagta magaca Soomaaliya lagu soo qaado ayaa badankeed ku baxda shaqaalaha hay’adahan oo qaarkood deggan hoteello ku yaalla Xalane iyo Nairobi oo habeenkii lagu seexdo $500 iyo ka badan.