Qarax maanta ka dhacay Beledweyne + Khasaaraha

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax miino oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa oo mid xoogan ayaa ka dhacay Xaafadda Xaawo Taako, iyada oo lala beegsaday askar ka tirsan kuwa miino baarista ee ka howlgala garoonka Ugaas Khaliif.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa la dhigay waddada dhinaceeda, wuxuuna haleelay gaari ay wateen ciidamadaas oo ah kuwa Boolis ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhaawacmay illaa saddex askari, kuwaas oo la geeyeyIsbitaalka ciidamada ATMIS ay ku leeyahiin deegaanka Ceeljaalle.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Beledweyne oo ku aadan qaraxaasi. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan ammaanka ee magaaladaas.

Beledweyne ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal ammaan darri oo isugu jiro dilal iyo qaraxyo ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Weerarkaan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan ay howlgallo culus ka socdaan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kooxda Macawiisleyda.