Xog ka cusub kiiska 15-ka safiir ee dooda qabyaaladeed ka dhex-abuuray G/Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in kulanka Khamiislaha ah ee berri ay yeelanayaan golaha wasiirrada xukuumadda

Soomaaliya la hor geyn doono ansixinta 15 safiir oo cusub.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in maalinta berri ah, kulanka golaha wasiirrada la horgeyn doono liiska safiirradaas cusub, si ay u ansixiyaan.

Khamiistii la soo dhaafay kulankii golaha wasiirrada waxaa la hor geeyey liiska 12 safiir si loo ansixiyo, balse dib ayaa loogu celiyey wasaaradda arrimaha dibadda oo markii hore soo gudbisay liiskaas.

Wasiirrada qaar, gaar ahaan kuwa soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa dood adag ka keenay in la ansixiyo liiska safiiradaas, iyagoo ku dooday in aan lasoo waafajin nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya ee 4.5-ta.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kulankaas ka go’aamiyey in wasaaradda arrimaha dibaddu dib ula laabato liiska safiiradaas, balse Khamiista berri ayey wasaaraddu golaha hor keeni doontaa liiska 15 xubnood oo safiirro cusub loo sharciyeynayo, sida aan xogta ku helnay.

Magacaabida Safiiradan ayaa ku soo aaday, xilli muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo ay ka dhiman tahay dhowr iyo labaatan cisho, waxaana arrintaan ku geedaaman shaki badan.

Dad badan ayaa qaba in magacaabidda safiirradaan cusub loo adeegsanayo olole siyaasadeed, maadaama xubnaha qaar ee safiirrada loo magacaabayo ay ka yimaadeen qaar ka mid ah dowlad goboleedyada taageersan dowladda federaalka.

Magacaabidan haddii ay dhaqan gasho, waxaa la filayaa inay galaafan doonto safiirro hadda xilal ka haya dalal ay ka mid yihiin Ruushka, Pakistan, Hindiya, Kenya, Mareykanka, Koofurta Sudan, Itoobiya iyo Sudan, kuwaas oo boosaskooda ku weynaya hannaanka awood qeybsiga ee beelaha Soomaaliya.

Illaa 60-cisho ayey ku qaadan kartaa aqbalaadooda dalalka loo dirayo safiirradan cusub.