28.8 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Xog ka cusub qorshaha ay Israa’iil saldhigga militari uga dhiseyso Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) — Israa’iil ayaa sahminaysa iskaashi amni oo qoto dheer oo ay la yeelato maamulka Somaliland, oo ay qeyb ka tahay saldhig milateri oo ku yaalla Gacanka Cadmeed, sida ay Arbacadii werisay warbaahinta Bloomberg.

Tallaabadan ayaa dowladda Yuhuudda si toos ah uga soo horjeedin doonta kooxda Xuutiyiinta Yemen ee dhinaca kale ee badda fadhisay, waxayna sii xoojin doontaa loolanka awoodeed ee ka taagan agagaarka Badda Cas.

Warbixinta ayaa sheegtay in wada-hadalladani ay dardar galeen xilli dagaalka Iiraan uu kordhiyay walaaca laga qabo ammaanka marin-biyoodyada gobolka. Waxay sidoo kale iftiimisay khatarta ay leeyihiin Xuutiyiinta, oo ah dhaqdhaqaaq fadhigiisu yahay Yemen balse ay taageerto Tehran, kuwaas oo in ka badan 100 jeer beegsaday maraakiibta maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed tan iyo dhammaadkii 2023.

Bloomberg, oo soo xiganaysa mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo dad xog-ogaal u ah arrintan, ayaa sheegtay in Israa’iil ay ka fiirsanaysay in ay joogitaan istaraatiijiyadeed ku yeelato xeebaha Somaliland, kadib markii ay si rasmi ah u aqoonsatay gobolkan gooni-isu-taagga raadinaya dhammaadkii bishii Diseembar.

Aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland 26-kii Diseembar ayaa ka dhigay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada jamhuuriyaddan is-magacowday. Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991 balse weli ma helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran.

Tallaabadaas ayaa xiriirkoodii hoose ee sanadaha badan u bedelay xiriir istaraatiijiyadeed oo furan, kaas oo diiradda saaraya mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu xasaasisan adduunka.

Xeeb istaraatiiji ah

Bloomberg ayaa werisay in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, uu sheegay in xiriirka Israa’iil uu yahay mid istaraatiijiyadeed marka laga eego dhanka amniga, isla markaana uu sii ballaaran karo. Wuxuu xusay in arrintan ay mustaqbalka ku jiri karaan qiimeyno lagu sameeyo suurta-galnimada saldhig milateri.

Warbixinta ayaa sheegtay in saraakiil Israa’iiliyiin ah ay durbaba sahan ku sameeyeen qaybo ka mid ah xeebaha Somaliland, oo ay ku jiraan aagagga dhaca galbeedka magaalada Berbera. Waxay darsayeen fursadaha saldhig gacan ka geysan kara la-socodka ama ka-hortagga Xuutiyiinta ee dhinaca kale ee Gacanka Cadmeed.

Juquraafiga ayaa sharxaya danaha laga leeyahay arrintan. Xeebta Somaliland waxay ku dhow dahay marinka Bab al-Mandeb ee isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, oo ah marin ciriiri ah balse aad u muhiim ah ganacsiga adduunka.

Maraakiibta ganacsiga ee adeegsada marinkan ayaa la kulmay weeraro joogto ah oo kaga imanayay Xuutiyiinta. Arrintaas ayaa ku qasabtay shirkado badan oo maraakiib ah inay maraan dhinaca koonfureed ee qaaradda Afrika, taas oo waqti iyo kharash intaba ku kordhisay safarrada u dhexeeya Yurub iyo Aasiya.

Weeraradan ayaa sababay in isu-socodka Kanaalka Suweys (Suez Canal) uu hoos u dhaco boqolkiiba 75 sanadkii 2024, taas oo muujinaysa sida colaad xudunteedu tahay Yemen ay saameyn ugu yeelan karto dhaqaalaha adduunka.

Khatarta ayaa sii korortay tan iyo markii uu dagaalka Iiraan qarxay 28-kii Febraayo, kadib duqeymo ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan. Tan iyo xilligaas, Marinka Hormuz ayaa wajahayay cadaadis xooggan, iyadoo maraakiib dhowr ah la beegsaday, shirkadaha caymiskuna ay ka digeen halista sii kordhaysa ee haysata maraakiibta ganacsiga.

In kasta oo qalalaasaha Hormuz uu ka jiro bariga Jasiiradda Carabta, haddana wuxuu dib u soo cusboonaysiiyay ahmiyadda marinka Badda Cas iyo goob kasta oo gacan ka geysan karta sugidda amnigiisa.

Diidmada gobolka

Joogitaan kasta oo milateri oo Israa’iil ay ku yeelato Somaliland ayaa la filayaa inuu kiciyo mucaaradad xooggan oo guud ahaan gobolka ah.

Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, iyadoo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda. Dhanka kale, Midowga Afrika ayaa bishii Janaayo ku baaqay in go’aankaas laga noqdo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Saar, ayaa booqday Hargeysa maalmo uun kadib aqoonsiga. Booqashadaas ayaa ka careysiisay Muqdisho, waxayna sii xoojisay cabsida laga qabo in Geeska Afrika uu noqdo furin kale oo qayb ka ah colaadda ballaaran ee Bariga Dhexe.

Tallaabadan ayaa sidoo kale qayb ka noqon doonta loolanka sii kordhaya ee awoodda Geeska Afrika. Imaaraadka Carabta ayaa xiriir qoto dheer la yeeshay Somaliland, kaas oo salka ku haya maalgashi dhan $442 milyan oo ay shirkadda DP World ku sameysay dekedda Berbera.

Turkiga ayaa weli ah saaxiibka ugu dhow ee dhinaca amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna saldhiggiisa milateri ee ugu weyn ee dibadda ku leeyahay Muqdisho.

Turkiga ayaa markabkiisa qodista badda ee Cagri Bey u diray Soomaaliya bishii hore si uu u guto howshiisii ugu horreysay ee badda ka baxsan biyaha Turkiga. Tallaabadan ayaa muujinaysa danaha istaraatiijiyadeed iyo kuwa tamar ee Ankara ay ka leedahay gobolka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isagoo sheegay in aanu cidna dan ugu jirin, isla markaana uu halis gelinayo xasilloonida gobolka.

Dhaleeceyntiisa ayaa ka tarjumaysa loolan ballaaran oo xeebaha gobolka Somaliland, oo markii hore aan sidaa uga dhex muuqan diblomaasiyadda caalamka, ay hadda isku beddeshay goob istaraatiijiyadeed oo aad loogu loolamayo.

Waa loolan u dhexeeya Israa’iil, Turkiga, Imaaraadka, Soomaaliya, iyo dalalka Carabta ee daneeya amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas labadaba.

Xuutiyiinta iyo welwelka Israa’iil

Israa’iil ahaan, walaaca ugu weyn wuxuu ka imaanayaa dalka Yemen.

Xuutiyiinta ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ku riday Israa’iil, waxayna weerareen maraakiib ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israa’iil ama xulafadeeda.

Kooxdan ayaa beegsatay in ka badan 100 markab oo ganacsi tan iyo bishii Nofembar 2023, iyagoo qaar quusiyay, kuwo kalena qafaashay, isla markaana dilay badmaaxayaal.

In kasta oo Xuutiyiintu ay ilaa hadda ka gaabsadeen inay furaan furin cusub oo la xiriirta dagaalka Iiraan ee xilligan, haddana suurta-galnimadaas ayaa weli ah walaac istaraatiijiyadeed oo weyn oo haysta Israa’iil iyo danaha maraakiibta reer Galbeedka.

Bloomberg ayaa sheegtay in saraakiisha Israa’iil ay hadda u arkaan Xuutiyiinta inay yihiin mid ka mid ah khataraha ugu halista badan ee ka haray xulafada Iiraan ee gobolka, kadib markii la wiiqay awooddii Xamaas iyo Xisbullah.

Saldhig ay Israa’iil ka hesho Somaliland kaliya ma siin doono gacan ku dhow Yemen, balse wuxuu sidoo kale farriin u noqon doonaa in Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed aysan mar dambe ahayn fagaarayaal dagaal oo heerka labaad ah.

Beddelkeeda, waxay si xowli ah isugu beddelayaan goobo dagaal oo udub dhexaad u ah loolanka gobolka ee ka soo bilowda Gaza iyo Iiraan ilaa uu ka soo gaaro Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News