Xog ka cusub qorshaha ciidamo Ethiopian lagu geynayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogaha iyo warbixinada Caasimada Online ay heshay ayaa muujinaya iney socdaan qorshe la doonayo in ciidamo Ethiopian ah la geeyo magaalada Muqdisho, iyaga oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM.

Warbixinada aan heleyno ayaa sheegaya in urur goboleedka IGAD ay wadaan dadaalkii ugu dambeeyay oo ciidamo Ethiopian ah lagu geynayo magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

IGAD ayaa waxay ku doodeysaa in ciidamada Ethiopia ay noqon doonaan kuwo ka qeyb qaata ka hortaga weerarada kusoo laalaabtay magaalada Muqdisho,waxayna Muqdisho ku imaanayaan iyaga oo ah ciidamo kamid ah AMISOM.

Sidoo kale Ethiopia ayaa dooneysa in IGAD ay ku qanciso wadamada kale in xiliga doorashada loo baahan yahay adkeynta amaanka magaalada Muqdisho oo doorashooyin muhiim ah ay ka dhacayaan.

Ciidamada Ethiopia ayaa sidan oo kale qorshe howlgal ah ku tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxayna haatan ku sugan yihiin Hiiraan, Gedo, iyo jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com