Washington (Caasimada Online) – Ninka u dhashay dalka Afghanistan ee lagu eedeeyay inuu toogtay laba askari oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Qaranka Mareykanka ayaa wajihi doona dacwad dil heerka koowaad ah.
Xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee Washington, D.C., Jeanine Pirro, ayaa Jimcihii sheegtay in eedeymo kale lagu soo oogi doono 29-jirka lagu magacaabo Rahmanullah Lakanwal, kaas oo ay sheegtay inuu weerar gaadmo ah ku qaaday askarta ka timid gobolka West Virginia meel u dhow Aqalka Cad maalintii Arbacada.
Isagoo khadka taleefanka kula hadlayay xubnaha milatariga Mareykanka maalintii Thanksgiving-ka ee Khamiista, Trump ayaa toogashada ku tilmaamay “weerar argagixiso,” saraakiishuna waxay sheegeen inay wadaan baaritaan la xiriira argagixisanimo oo ku saabsan toogashadii dhacday Arbacada.
“Wixii goobtaas ka dhacay waa wax aan mugdi ku jirin. Waa dil si ula kac ah loo qorsheeyay,” ayay Pirro u sheegtay barnaamijka “Fox and Friends” ee taleefishinka Fox News. Waxay intaas ku dartay, “Waxaan eedeymihii hore ee ahaa weerarka u badaleynaa dil heerka koowaad ah.”
Sarah Beckstrom, oo 20 jir ahayd, ayaa Khamiistii u geeriyootay dhaawacyadii soo gaaray. Pirro ayaa u sheegtay Fox in askariga kale ee la socday Beckstrom, Andrew Wolfe, oo 24 jir ah, ay xaaladiisu aad u liidato.
Lakanwal ayaa Mareykanka soo galay sanadkii 2021 isagoo soo maray barnaamijka “Operation Allies Welcome,” oo ahaa barnaamij socdaal oo xilligii Biden la sameeyay si dib loogu dejiyo kumanaan reer Afghanistan ah oo Mareykanka caawiyay xilligii dagaalka, kuwaas oo ka cabsanayay aargoosi kaga yimaada xoogaga Taliban ee la wareegay talada kadib bixitaankii Mareykanka.
In ka badan 70,000 oo reer Afghanistan ah ayaa dib loogu dejiyay Mareykanka barnaamijkaas hoostiisa. Saraakiisha ayaa sheegay in Lakanwal uu ka tirsanaa unug ay taageerayso CIA-da gudaha Afghanistan ka hor inta uusan imaan Mareykanka. Waxaa la siiyay magangalyo sanadkan xilliga Trump, sida lagu sheegay faylka dowladda Mareykanka oo ay aragtay Reuters.
Baarayaasha ayaa sheegay in Lakanwal uu baabuur kaga soo safray gurigiisa oo ku yaalla gobolka Washington, uuna ku toogtay labada askari qori awood badan oo ah .357 Magnum, ka hor inta uusan dhaawacmin kadib markii ay rasaas is weydaarsadeen ciidamo kale.
Toogashooyinka ayaa laga yaabaa inay Trump siiyaan fursad uu ku doodo in xitaa waddooyinka sharciga ah sida magangalyada ay khatar dhanka amniga ah ku yihiin dadka Mareykanka.
Wax ka yar 24 saacadood kadib toogashada, saraakiisha Trump ayaa bilaabay inay amraan dib u eegis ballaaran oo lagu sameeyo siyaasadaha socdaalka.
Lakanwal ayaa xaaskiisa iyo shantiisa carruur ah kula noolaa gobolka Washington, sida ay sheegeen baarayaashu. Markii la weydiiyay inuu qorsheynayo inuu masaafuriyo xaaska eedeysanaha iyo carruurtiisa, Trump ayaa yiri, “Waxaan eegeynaa xaaladda oo dhan oo ay qoysku ku lug leeyihiin.”
Isagoo isticmaalaya bartiisa Truth Social goor dambe oo Khamiistii ah, Trump ayaa sare u qaaday hadaladiisa adag ee ku saabsan socdaalka. Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay sanadkan, wuxuu kordhiyay xarigga dadka sida sharci darrada ah ku jooga Mareykanka, wuxuu adkeeyay ka gudubka xuduudaha, wuxuuna boqolaal kun oo qof kala noqday sharciyada joogitaanka.
“Waxaan si joogto ah u hakad gelinayaa socdaalka ka imanaya dhammaan Wadamada Dunida Saddexaad si aan nidaamka Mareykanka ugu ogolaano inuu si buuxda u soo kabsado, waxaan joojinayaa malaayiinta qof ee uu Biden si sharci darro ah u ogolaaday, oo ay ku jiraan kuwa lagu saxiixay ‘qalinka elektarooniga ah’ ee Biden (Sleepy Joe), waxaanan saarayaa qof kasta oo aan faa’iido u lahayn Mareykanka,” ayuu Trump ku yiri qoraalkiisa Truth Social, isagoo ula jeeda madaxweynihii ka horeeyay.
Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday Washington inay sii waddo ogolaanshaha dadka magangalyo doonka ah inay soo galaan dalka, isla markaana la mariyo nidaam cadaalad ah.
“Waxaan ka rajeyneynaa dhammaan wadamada, oo uu ku jiro Mareykanka, inay ixtiraamaan ballanqaadyadooda ku aadan Heshiiskii Qaxootiga ee 1953,” ayuu Farhan Haq, oo ah ku xigeenka afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, u sheegay Reuters.
Afhayeenka xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Jeremy Laurence, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Geneva ka sheegay: “Waxay xaq u leeyihiin in la ilaaliyo sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, waana in la mariyo nidaam sharci oo cadaalad ah.”
Jasmin Lilian Diab, oo ah agaasimaha Machadka Socdaalka ee Jaamacadda Lubnaan iyo Mareykanka (Lebanese American University), ayaa sheegtay in joojinta codsiyada dadka reer Afghanistan ama dib u eegista kumanaan codsi oo horey loo ansixiyay ay burburin doonto qoysas iyo bulshooyin, isla markaana ay wiiqi doonto sharafta nidaamka socdaalka.
“In kasta oo dhacdadan dhawaan dhacday ay tahay mid xanuun badan, in dhacdo gooni ah loo isticmaalo cudurdaar lagu soo rogo xayiraado wadareed waa mid aan waafaqsanayn xaqiiqada muujineysa inaanu jirin xiriir ka dhexeeya qaxootiga dalka soo galaya iyo dambiyada kordhaya,” ayay Diab u sheegtay Reuters.

