Xog ka cusub xarigii wasiir ku xigeenka dibedda iyo mas’uuliyiin kale oo loo haysto musuq-maasuq

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir, oo ka hadlayay arrinta la xiriirta wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay in wasiirka ay baaris ku haayeen mudadii uu xilka hayay.

Axmed Cali Daahir, waxa uu sheegay in afartii bilood ee la soo dhaafay wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ay baaris ku haayeen, isla markaana sheegay in dib u habeyn lagu sameeyay xafiiskiisa.

Sidoo kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya waxa uu sheegay in xafiiska siyaasada Hant- Dhowrka qaranka iyo kan xeer ilaaliyaha uusan cid xad gudub ku sameyn doonin, balse sheegay in marnaba aysan dhici doonin inay dhagaha ka fureysataan fal dambiyeed sharci ah oo quseya musuq maasuqa.

Wasiir ku-xigeenka Arrmaha Dibedda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay in uu hor tegi doono maxkamad sharci ah, si ay u bilaabato dhageysiga dacwadda loo heysto, sharcigana loogu kala baxo.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyey wadday dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa, ayada oo siyaasiyiin badan oo xilal haye xabsiga loo diray qaarna laguw ado baaritaan.

Axmed Cali Daahir waxa kale oo uu sheegay in dhowaan lasoo bandhigi doono mas’uuliyiin kale oo ku kacay musuq-maasuq, kuwaas oo uu baaritaan ku socday muddo.

Hoos ka dhageyso codka xeer ilalaiyaha guud ee qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com