Xog: Kheyre iyo Jawaari oo ku kala kacay kullan ka dhacay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegaya in kullan Khaasa ay Madaxtooyada Somalia kuwada qaaten Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kullanka labada mas’uul ayaa qaatay ku dhawaad Seddex saac waxaana dirada lagu saaray xal u helida Khilaafka ka dhex aloosan labada mas’uul ee ka dhashay magacaabida Golaha Wasiirada.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre ayaa la sheegay in mudada uu kullanka socday Jawaari ka dalbaday inaanu caqabad ku noqon Golaha Wasiirada, waxa uuna u cadeeyay inaanu jirin jadwal ka munaasibsan oo lagu magacaabi karo Golo cusub.

Kheyre waxa uu Jawaari u xaqiijiyay in Hanaanka lagu dhisay Golaha Wasiirada uu yahay midka ugu mudnaanta badan, waxa uuna tilmaamay inaan la hor istaagin oo laga gudbo aragtida lidka ku ah Golaha.

Kheyre waxa uu sidoo kale Jawaari u cadeeyay inay mudan tahay in qaabab kale lagu xaliyo Khilaafka waxa uuna carab dhabay inuu fududeeyo in marka hore Golaha la mariyo Baarlamaanka.

Jawaari ayaa si cad u diiday in Liiska hadda lagu magacaabay Golaha Wasiirada la horgeeyos Baarlamaanka waxa uuna taa bedelkeeda soo jeediyay in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Jawaari uu ka biya diiday in laga aamuso Dacwada ay usoo gudbiyeen Xildhibaanada, waxa uuna ku adkeysaday in Golaha Wasiirada aysan mari doonin Baarlamaanka.

Ra’isul wasaare Kheyre iyo Jawaari ayaa la xaqiijiyay in is fahan’waa kadib ay ku kala kaceen kullanka, waxaana lasoo warinayaa in kicitaanka uu ku horeeyay Jawaari, kadib markii uu ad adeeg kala kulmay Ra’isul wasaaraha.

Geesta kale, Kheyre iyo Jawaari ayaa ku kala maqan khilaafka sababay inay lagu kala kaco, waxaana dhinaca kale socda dadaal lagu dhex dhexaadinaayo labada mas’uul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com