Xog: Kheyre oo qorshe cusub la damacsan maamulka Bangiga Dhexe ee DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu wado qorsho xil ka qaadis loogu sameynaayo qaar kamid ah Madaxda iyo Agaasimayaasha waaxyaha Bangiga Dhexe.

Ra’isul wasaaraha ayaa qorshahaasi ula gol leh kala fogeynta madaxda Bangiga Dhexe oo dhowr sano wada shaqeynaayay si looga hortago ku tagrifalka Hanti Qaran.

Sida uu qorshuhu yahay xil ka qaadista ayaa saameyneysa maamulka ugu sareeya Bangiga Dhexe iyo Agaasimayaasha waaxyaha qaarkood, ee lagu tuhmaayo xadgudb dhaqaale.

Warar hoose ayaa sheegaya in xil ka qaadista ay ku fooraarto mas’uuliyiin ay kamid yihiin Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo ku-xigeenkiisa, waa haddii aanu dhicin is bedel.

Mas’uuliyiinta ku bixi doona qorshaha socda ayaa waxaa lagu bedeli doonaa shaqsiyaad cusub oo la sheegay inay yihiin qurba joog.

Dowlada Somalia ayaa weli ku howlan sifeynta Xafiisyada qaar oo ay weli ku magacaaban yihiin shaqsiyaad ku dhow dhowaa Madaxweynihii hore ee Somalia.

Lama oga xiliga rasmiga ah uu Ra’isul wasaare Kheyre ku dhaqaaqi doono xil ka qaadista madaxda Bangiga Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com