Xog: Khilaaf soo kala dhex-galay Farmaajo iyo Qoor Qoor

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in khilaaf uu soo kala dhex galay madaxweynaha uu xilligiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Kaariye Qoorqoor.

Xogtan oo aan ka helnay ilo-wareedyo ku dhow Qoor Qoor ayaa sheegeysa in khilaafka uu ka dhashay kadib markii uu madaxweyne Farmaajo ka carrooday go’aanada ay soo jeediyeen guddiga madaxweyne goboleedyada ee intii uu socday shirka Dhuusamareeb 4 loo xil saaray arrinta Gedo, guddigaas oo uu Qoor Qoor qeyb ka ahaa.

Guddigaas ayaa soo jeediyey arrimo ay ka mid ahaayeen in doorashada Garbahaarey ay maamulaan guddiga doorashada Jubaland, balse ciidan Amisom ah ay amniga sugaan, taasi oo madaxweyne Farmaajo uu aad uga horyimid.

Guddigan, oo ka kooban madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo HirShabelle, ayaa sidoo kale 4-tii bishan February ku taliyay in gobol walba arrimihiisa si gaar ah u xallisto, taas oo uu ka biyo diiday madaxweyne Farmaajo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ogaatay, kulan ay guddigaas madxweynaha kula yeesheen Dhuusamareeb habeenkii ugu dambeeyay ayuu madaxweyne Farmajo si carro leh ula hadlay Qoor Qoor, kana codsaday inuu ka haro arrinta Gedo.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu sidoo kale Qoor Qoor ku eedeeyey inuu kala jirsaday Axmed Madoobe, taasi oo Qoor Qoor uu beeniyey, isaga oo sheegay inuu xal raadis kaliya ahaa.

Khilaafka ayaa sii laba kacleeyay kadib markii uu Qoor Qoor ka war helay in madaxweyne Farmaajo uu raadinayo muddo kororsi iyo in awoodda talada doorashada lagu wareejinayo baarlamanka, taasi oo meesha ka saareysa saameynta dowlad goboleedyada.

Caasimada Online ayaa xubno ku dhow Qoor Qoor ka xaqiijisay inay guul darro kusoo dhamaadeen dadaallo lagu dhexd-hexaadinayay Qoor Qoor iyo Farmaajo. Ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaan meesha ka saarin suurta-galnimada ah in Qoor Qoor uu warbaahinta la hadlo maalmaha soo socda isaga oo faahfaahin doona waxyaabihii ka dhex dhacay shirarkii ay albaabda u xirnaayeen ee Dhuusamareeb 4.

Qoor Qoor ayaa horey u qabay tabashooyin kale oo uu ka tirsanayey xukuumadda federaalka oo ay qeyb ka ahayd; in loo diiday in ciidamda Gorgor ee Dhuusamareeb ku sugan sameeyaay howlgallo amni oo ka dhan ah Al-Shabaab, taas oo culeyska badan ka qaadi karta. Al-Shabaab ayaa kusii xoogeysaneysay Galmudug, tan iyo markii uu xukunka qabtay Qoor Qoor, waxayna dhowr jeer weerareen Dhuusamareeb.

Caasimada Online ayaa xogtan heshay ka hor inta aan Farmaajo shaacin inuu shir ku qabanayo Garoowe, taasi oo dad badan ay dareemeen inay dhabar jab ku tahay Qoor Qoor. Si kastaba, ma cadda haddii go’aanka Farmaajo uu rabo inuu shirka ku geeyo Garoowe iyo khilaafka hore ay xiriiraan.