Midowga Murashaxiinta oo ku baaqay shir deg deg ah

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa walaac xoog leh looga muujiyey jahawareerka iyo hubanti la’aanta xaaladda kala guurka ah ee siyaasadda dalka.

Golaha ayaa qoraalkan ku sheegay inuu ka walwalsan yahay in muddo xileedkii hay’adaha Dastuuriga ah uu idlaaday, iyadoo uusan jirin heshiis siyaasadeed oo looga gudbo xilligan kala guurka ah.

“Goluhu waxuu ku baaqayaa in ay shir degdeg ah isugu yimaadaan, dhammaan saamilayda siyaasadeed ee dalka, si looga wada ladlo hirgelinta heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii September. Golaha wuxuu taageerayaa soo jeedinta Dawlad Goboleedka Puntland, Jubbaland iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa in shirka lagu qabto magaalada Muqdisho, lana ballaariyo ka soo qayb-galayaasha, beesha caalamkana ay goobjoog ka ahaato,” ayaa lagu yiri qoraalka midowga musharaxiinta.

Sidoo kale war-saxaafadeedkan caawa ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta waxaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu hadda kadib yahay musharax iyaga lamid ah, shirka la qaban doonana uu ka soo qeyb galo, isagoo shakhsi ah, waa hadii uu yahay musharax.

“Goluhu wuxuu caddaynayaa in mudane Maxamad C/Ilaahi Farmaajo uu yahay madaxweyne muddo xileedkiisii dhammaaday, shirkana uu kaga soo qaybgeli karo oo keli ah murashax la mid ah murashaxiinta kale ee u taagan xilka Madaxweynimo, haddii uusan tartanka ka tanaasulin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ku baaqay in la dhowro sharciga iyo kala dambeynta oo aan madax mudo xileedkii ka dhamaaday aan shacabka lagu sii dul heyn.

“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed deganaan iyo ilaalinta sharciga iyo kala danbaynta. Goluhu wuxuu ka digayaa in shacabka lagu dul hayo mas’uuliyiin muddo xileedkoodii dastuuriga ahaa uu dhammaaday,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka Golaha Midowga Murashaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.