Guddiga doorashooyinka mucaaradka oo soo saaray go’aan 3 qodob ka kooban

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga badbaadada doorashooyinka qaran ee ay magacaabeen Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa maanta galankii dambe kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, xili ay meel xasaasiya mareyso xiisada ka dhalatay arrimaha doorashooyinka.

Kulankan ayaa xubnaha Guddiga badbaadada doorashooyinka qaran 2020-2021 ee Midowga Musharixiinta uga hadleen shirkii uu ku dhawaaqay madaxweynaha uu waqtigu ka dhamaaday iyo weliba caqabadaha ku gadaaman qabsoomida doorashada.

Guddiga ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay mowqifkii ay madaxad Puntland iyo Jubbaland ka qaateen shirka uu iclaamiyey Farmaajo inuu ka dhici doono Garoowe, kaasi oo ay dalbadeen in shirka wada-tashiga doorashada uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay taageero u muujiyeen qoraal uu maanta soo saaray Gudoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi, kaasi oo uu ku dalbanayay in shirka 15-ka bisha uu iclaamiyey Farmaajo uu ka dhaco Muqdisho, iyada oo ay qeyb ka noqonayaan saamilayda siyaasadda Soomaaliya iyo Bulshada Rayidka ah, ayna goobjoog ka ahaato beesha caalamka.

Guddigan ayaa soo saaray go’aano ay ku sheegen inay yihiin qoddobo ay tahay in lagu xaliyo shirka, islamarkaana ay dhinacyada isku hayaan, kuwaasi oo kala ah;

1- Badalida xubnaha guddiga doorashooyinka oo ay kasoo horjesteen Midowga Musharixiinta.
2- Maaraynta iyo soo magacaabista xubnaha Guddiga doorashooyinka Somaliland.
3- Xalinta maamulka, maaraynta Amni iyo doorasho ee Gobolka Gedo.