Kenya oo war cusub kasoo saartay xiisadda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markale bayaan kasoo saartay xiisada kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay in xukuumadda Muqdisho ay jarto xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay, kadib markii ay ku eedeysay faro-gelin ka dhan ah madax-banaanida Jamhuuriyada.

Kenya ayaa kalfadhigii 978 ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AUPSC) ay isugu yimaadeen si ay uga fiirsadaan xaaladda ka jira Soomaaliya iyo howlaha Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ka sheegtay inaysan fara-gelin ku heynin arrimaha Soomaaliya.

Waxay bayaanka ay soo saartay ku sheegtay in fara-gelinta ay dowladda federaalka ku eedeysay ay tahay “been iyo marin habaabin”, islamarkaana aysan jirin tallaabo xad-gudub ku ah Soomaaliya oo ay qaaday Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale waxay bayaankan uga codsatay Golaha iuu ilaaliyo isku dayga lagu doonayo ‘in lagu carqaladeeyo khilaafaadka ka dhex jira daneeyayaasha kala duwan’.

Dowladda Kenya waxey sheegtay iney si wanaagsan ula falgashay Soomaaliya oo ay daris yahiin isla markaana ay ka mid yahiin ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyagoo la hawlgalaya dalalka Burundi, Uganda, Djibouti iyo Ethiopia.

“Kenya waxay sidoo kale ka codsatay Golaha ammaanka in ay ka ilaaliso isku dayga lagu doonayo in lagu carqaladeeyo khilaafaadka ka dhex jira daneeyayaasha kala duwan ee saaxiibada Soomaaliya iyo Gobolka, bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya waa mid cad” ayey war qoraal ah ku sheegeen wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa ka dhex aloosan khilaaf diblumaasiyadeed oo sababay in meesha ka baxo xiriirkii labada dal, kaasi oo lumiyay iskaashiga labada dhinac ee amniga, ganacsiga iyo waxbarashada.

Soomaaliya ayaa dowladda Kenya ku eedeysay inay fara-gelin ku hayso arrimaha gudaha dalka, midaasi oo ay iska fogeysay Kenya, waxaana khilaafka labada dhinac laga galay dadaalo lagu xalinayo, inkasta oo aysan wax badan ka bedelin xiisada taagan.