Guddoomiye Cabdi Xaashi oo soo jeediyey 3 qodob oo la xiriira shirka 15-ka Febraayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Aqalka Sare ee muddo xileedkiisu dhammaaday Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo jeediyey saddex arrin oo la xiriirta shirka uu 15-ka Febraayo ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse waxa uu dalbaday laba arrin. 

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iclaamiyay shir la isugu imaanayo, loogana hadlayo arrimaha la isku mari la’yahay ee ka taagan hannaanka doorashada, kaasi oo uu sheegay inuu 15-ka February ka dhacayo magaalada Garowe.

Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Sida aad la socotaan waxaa dhamaaday muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka ah iyo kan madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka, iyadoon hehsiis buuxa laga gaarin qabashada doorashooyinka Heer federal, saamileyda siyaasadduna aysan ka wada qeyb-gelin shirarkii ay isugu yimaadeen madaxda labada heer dowladeed ee dalka, arrimahaas oo dalka geliyay xaalada cabsi ah, jaha-wareer iyo hubanti la’aan siyaasadeed,” 

Cabdi Caashi ayaa soo jeediyey saddex arrin oo kala ah:

1- In Shirka 1-ka Febraayo 2021 uu ka dhoco magaalada Muqdisho.
2 – Inay ay kasoo wada qayb galaan, saamilayda siyaasadda Soomaaliya, iyo Bulshada Rayidka ah.
3 – Iyo inay goobjoog ka ahaadaan beesha caalamka.

“Waxaan soo dhowaynayaa soo jeedinta Dowlad Goboleedka Puntland ee ah in shirka lagu baaqay 15-ka Febraayo 2021 uu ka dhoco magaalada Mugdisho ayna kasoo qayb galaan, saamilayda siyaasadda, iyo Bulshada Rayidka ah, goobjoogna ay ka ahaadaan beesha caalamka; si looga arrinsado badbaadada Dalka, heshiisna looga gaaro habraacyada lagu meel marinayo doorashooyinka loo madlan yahay,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdi Xaashi