Jubaland oo mowqif kasoo saartay shirka uu Farmaajo ku baaqay 15-ka Febraayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa maanta war kasoo saaray shirkii uu xalay iclaamiyay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo, kaasi oo uu isugu yeeray dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa waxa lagu sheegay in dowlad goboleedka Jubbaland ay soo dhaweynayso shirka wada-tashiga ah ee uu ku baaqay Farmaajo, balse maamulka Jubaland ku talinayo in shirka lagu qabto magaalada Muqdisho, islamarkaana la balaariyo, iyada oo laga qeyb gelinayo saamileyda siyaasada.

“Dowladd goboleedka Jubaland waxay soo dhaweyneysaa shirka wadatashiga ee la soo qorsheeyay inuu qabsoomo 15-ka Febraayo . Si kastaba, Dowlada Jubaland ayaa ku talineysa in kulanka lagu qabto magaalada Muqdisho, ayna ka qeyb galaan dhamaan daneeyayaasha siyaasada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay maamulka Jubaland iyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ay ku kala kaceen shirkii Dhuusamareeb 4, kaasi oo ay isku fahmi waayeen xiisada gobolka Gedo.

Mowqifka Jubaland ayaa la mid ah midkii ay xalay shirka ka qaadaty Puntland.

Puntland ayaa qoraalka ay xalay soo saartay ku tiri “Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Garoowe.

Warka kasoo baxay Puntland ayaa weji gabax ku noqonaya madaxweyne Farmaajo, oo markii horeba la rumeysnaa in sababta uu shirka u geeyey Garoowe, ay tahay inuu ka fogeeyo beesha caalamka oo qorsheyneysay in shir ay goobjoog ka tahay lagu qabto Muqdisho.