Rooble oo hortegay golaha shacabka, kadibna meesha ka saaray arrin laga faafiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hortegay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

Ugu horreyn waxaa kulankan oo ay soo xaadireen illaa 164 mudane daah-furay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo xildhibaanada ka dalbaday inay si degan u dhageystaan warbixinta uu wado ra’iisul wasaare Rooble.

Intaasi kadib ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ayaa faah faahin ka bixiyey wax-qabadka xukuumaddiisa ee 100-ka maalmood, wuxuuna sheegay inuu wax ka qabtay arrimaha ammaanka, doorashooyinka, dhaqaalaha, deyn cafinta, ciidamada & bani’aadanimada.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday safarradii kala duwanaa ee uu kusoo kala bixiyey magaalooyinka qaar ee maamul goboleedyada, si xal loogu helo khilaafka ka jira dalka.

DOORASHADA

Maxamed Xuseen Rooble oo xukuumaddiisa loo xil-saaray hirgelinta doorashada ayaa shaaca ka qaaday in weli xukuumaddiisa ay diyaar u tahay inay qabato doorasho xor iyo xaal ah, islamarkaana ay xukuumaddu ku dhowaaqday guddiyada doorashooyinka.

Waxa kale oo uu xusay inuu dadaal ku bixiyey sidii xal loogu heli lahaa tabashada ka jirta doorashada, islamarkaana uu la tashiyo la sameeyey siyaasiyiinta, musharraxiinta iyo ururada bulshada rayidka ah, si xal looga gaaro khilaafka dib u dhigay doorashada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray inuu goobjoog u ahaa shirarkii Dhuusamareeb iyo kuwii Muqdisho ka dhacay ee looga arrinsanayey marxaladda adag ee kala guurka ah.

Inta uu waday hadal jeedinta Rooble wuxuu meesha ka saaray walaaca laga qabo inuu yimaado muddo kororsi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xukuumaddiisa ay qabaneyso doorasho loo dhan yahay, isaga oo sidoo kale soo dhoweeyey shirweynaha Garoowe.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is-dajiyaan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo horumarka dalka iyo dowladnimada.

AMMAANKA

Ra’iisul wasaaraha xilka sii haya oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday arrimaha ammaanka, wuxuuna sheegay inay qorshe gaar ah u dajiyeen amniga doorashada, si loo sugo ammaanka ergada & goobaha loogu talagalay inay ka dhacaan doorashooyinkaasi.

Rooble ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin in la qalqal-geliyo amniga iyo xasiloonida guud ahaan dalka.

Ciidamada ayuu sidoo kale sheegay inay siiyeen tababaro dheeraad ah iyo qalab, si ay u gutaan wajibaadka ka saaran amniga qaranka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumaddu ay dib u furtay waddooyinkii xirnaa ee caasimadda oo ay dhibaato weyn ku qabi jireen shacabka Soomaaliyeed.

DHAQAALAHA

Khudbada ra’iisul wasaraha xilka sii-haya oo aad u dheereyd ayaa qeyb ka mid ah wuxuu uga hadlay arrimaha dhaqaalaha, isaga oo carabka ku goday inuu kordhay daqliga soo gala dowladda, gaar ahaan kan dekedda oo uu tilmaamay in 30% uu sare u kacay.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale xusay inay tallaabooyin kale ay u qaadeeyn arrimaha deyn cafinta, gaar ahaan meelaha bartilmaameedyada u ahaa.

BANI’AADANIMADA

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka, gaar ahaan saameynta cudurka faafa ee COVID-19, Ayaxa, Fatahaadaha iyo Abaaraha, wuxuuna xusay in xukuumadda federaalka ay dadaallo fara badan ku bixisay sidii loo mareyn lahaa dhamaan dhibaatooyinka ka dhashay daruufahaasi oo ah kuwa is-biirsaday.