Xog: Khilaafka R/W Kheyre iyo CAWAD oo hoggaamin doona isku-shaandheyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in isku shaandheyn kale oo kooban uu ku sameeyo golaha wasiirada, ayada oo dhowr wasiir xilka laga qaadi doono, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Wasiirada la filayo in la beddelo ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo bilihii dhowaa ay aad isugu xumaayeen ra’iisul wasaaraha, sida aan xogta ku helnay.

Inkasta oo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ay isugu dhaceen labada nin, haddana xubno ku dhow wasiirka ayaa laga soo xigtay in wasiirka uusan jecleysan hab-dhaqanka ra’iisul wasaaraha oo ay ugu weyn tahay amarro joogto ah.

Arrintan ayaa keentay in wasiirka uusan ra’iisul wasaaraha u raacin shirar badan oo arrimaha dibedda ku saabsanaa, oo ay ahayd inuu uga hormaro, waxaana inta badan la arkaa isaga oo la safra madaxweynaha.

Xubnaha la beddeli doono ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah wasiirka waxbarshada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, ayada oo xilkiisa la siin doono Cabdullaahi Goodax Barre, oo ay kasoo wada jeedaan beesha Xawaadle.

Goodax ayaan qaadan doonin wasiirka waxabarashada, hase yeeshee waxaa xilkaas la siin doonaa qof kale, kadibna Goodax ayaa lagu magacaabi doonnaa wasaarad aan illaa hadda la shaacin.

Waxaa sidoo kale la isku shaandheyn doonaa dhowr wasiir oo kale, inkasta aysan weli caddeyn faahfaahintooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com