DFS oo Muqdisho ka soo dejineysa guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Somalia Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Somalia Cabdi Xaashi, ayaa dhigiisa uga warbixiyay qaabka ay ku shaqeeyan iyo isbedelada ay kusoo kordhiyeen Somalia tan iyo markii la yagleelay Aqalka Sare ee Somalia.

Waxa ay labada Gudddoomiye ay isla fahmeen muhiimadda ay leedahay in labada Aqal ay is waydaarsadaan khibradaha.

Waxaa kulanka goob joog ka ahaa Hab-dhawraha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Senator Cabdikaafi Macallin Xasan, Xildhibaan (Kenya) Amina Geeddow  Xildhibaan Hore (Kenya) Aden Macalin Cabdullahi, , Eric Ogolo, Madaxda hab-maamuuska Senateka Kenya iyo  mas’uuliyiin kale.

Intaa kadib Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Somalia Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa dhigiisa Kenya Senator Kennedy Lusaka u fidiyay casuumaad si ay booqasho ugu yimaadan Soomaaliya.

Senator Kennedy Lusaka, ayaa arrintaas Aqbalay waxa uuna sheegay in isaga iyo Xildhibaano ka tirsan aqalka ay soo booqan doonaan Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, waxaana lagu talo jiraa in dhowaan wafdi hordhac oo ka socda Aqalka Senate-ka Kenya uu soo gaaro Magaalada Muqdisho.