“Somaliland ma ay beenin karto in ay argagixisada garab u tahay” waxaa yiri…

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in Puntland ay gacanteeda kusoo celin doonto dhammaan deegaanada ka maqan ee ku jira gacanta Somaliland.

Gaas waxa uu sheegay in Puntland aysan tabeynin Hub ama agab ciidan oo ay kusoo ceshato deegaanada ka maqan, hase yeeshee ay fursado siinayaan maamulka Somaliland oo uu sheegay inay ku adkeysaneyso lahaanshiyaha Gobolka Sool.

Sool, ayuu sheegay in adduunka ay ku garanayaan Puntland, balse Somaliland ay dhexda uga soo dhacday.

Hoggaamiye Gaas, waxa uu sheegay in Somaliland ay kaalin weyn ka qaadato amni darada ka jirta deegaanada Puntland, waxa uuna cadeeyay inay hayaan cadeymo la taabankaro.

‘’ Somaliland ma beeninkarto inay garab u tahay argagixisada Somalia, waxaanu heynaa cadeymo la taabankaro sidaa aawgeed Puntland wey ku khasban tahay inay iska difaacdo’’

Waxa uu Gaas carab dhabay in sababta ay u daneynayaan Gobolka Sool, ay tahay in Hubka iyo gurmadka argagixisada loo soo mariyo Sool, balse ay ka hortagi doonaan dadaal waliba oo lagu hubeynaayo argagixisada, sida uu ka sheegay kulan uu Saraakiil ciidan kula qaadanaayay Garoowe.

Sidoo kale, C/weli Gaas ayaa dadka deegaanka ku ah Gobolka Sool uga digay inay garab u noqdaan ciidamada Somaliland oo uu sheegay inay khatar ku yihiin xasiloonida Puntland.

Dhinaca kale, Somaliland ayaa ku celcelineysa inaysan diyaar u aheyn dagaal iyo dhiig mar kale daata, halka Puntland ay ka tumeyso durbaanka colaada.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com