Xog: Qorshe xasaanadda looga qaadayo xildhibaano ka tirsan BFS oo socda.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan ka helnay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu wado qorsho xasaanada looga qaadayo Xildhibaano ka tirsan BFS.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Guddoomiayaha uu dib u hir galinaayo Go’aan horay uga soo baxay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Qaranka Somalia Axmed Cali Daahir kaa oo lagu dalbaday in xasaanada laga qaado Xildhibaano ay kamid ahaayen Xasan Macalin iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye.

Qorshaha uu Guddoomiyaha baarlamaanka kusoo nooleynayo amarka Xeer ilaalinta Qaranka ayaa la xaqiijiyay in loo kaashanaayo Xildhibaano ka tirsan garbka taabacsan dowlada.

Xildhibaanada aan xogtaani la wadaagnay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha baarlamaanka oo hadda safar ku maqan uu u guda galay arrinta xasaanada, balse ay weli tahay qabyo.

Mid kamid ah Xildhibaanada oo aan xiriir la sameynay ayaa sheegay in Guddoomiyaha baarlamaanka ay ka go’an tahay meel marinta dalabka Xeer ilaalinta ee xasaanada looga qaadayo Xildhibaan Xasan Macalin iyo Saabir.

Waxa uu sheegay Xildhibaankan oo magaciisa ka gaabsaday sababo amni aawgii in qorshahaani ay mar kale isla dajiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo markiisa hore lahaa fekerka lagu dalbaday xasaanad ka qaadista.

Qoraal December 17, 2017 kasoo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Qaranka Somalia Axmed Cali Daahir ayaa lagu dalbaday in xasaanada Xildhibaanimo looga qaado Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Daljir iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye.

Xeer ilaalinta ayaa labadani Xildhibaan horay ugu eedeysay inay yihiin Qaran dumis, kadib markii lagu helay kiisas lid ku ah Qaranimada iyo Xilka ay u hayaan shacabka oo qaab khaldan loo adeegsaday.

Si kastaba ha ahaatee, qorshaha lagu dardar galinaayo dadaalka lagu soo nooleynaayo xasaanad ka qaadista labada Xildhibaan ayaa dib u bilaaban doonta kadib marka uu Muqdisho kusoo laabto Guddoomiyaha baarlamaanka oo howlo shaqo u aaday dalka Jabouti.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com