Khudbaddii Xasan Sheekh oo dhabar jab weyn ku noqotay Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Iyadoo uu maanta Magaalada Kismaayo ka furmay shirka dib u heshiisiinta Beelaha Dega Jubbooyinka wajigiisa  labaad, ayaa waxaa halkaasi Khudbad si dadban kaga careysiisay Axmed Madoobe ka jeediyay Madxaweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Inta uu Madaxweynuhu Jeedinaayay Khudbadiisa ayaa waxa uu si dadban u muujiyay in shirka uu ka muuqdo qabyo, kadib markii uu afka ku dhuftay in Ergooyinka kasoo qeybgalay ay aad u yaryihiin, taasi oo ka turjumeysa in beelo farabadan aysan xaadirin, islamarkaana uu shirka ahaa mid aan ka dhameystirneyn dhanka Beelaha Dega Jubbooyinka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa Tilmaamay in Beelaha Degan Jubbooyinka ee ka maqan shirka looga baahan yahay inay muujiyaan dhabar adeeg islamarkaana isku dayaan inay soo camiraan Hoolka maalmaha uu gabogabadu yahay.

Inta ay soctay Khudbada Xassan Sheekh, waxaa durbadii wajiga Axmed Madoobe laga dheehan karay isbedel, waxa uuna si niyad dhis ah u ruxaayay Madaxa, iyadoona ay ka muuqaneysay inuu dhibsanaayay Erayada qaar oo uu ka shanqarinaayay Madaxweyne Xassan.

Dhanka kale, Madasha shirka ayaa waxaa maanta ka maqnaa Beelo qaar, kuwaasi oo ku andacoonaya inaan la qiimeyn, islamarkaana aan loo sheegin shirka, iyadoona ay xusid mudan tahay in shirka ay ka maqnaayeen Garabka Col. Barre Hiiraale.

Caaimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com