Aqriso nuxurka khudbadihii maanta laga jeediyay shirweynaha Kismaayo

Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe
Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online)-Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa maanta oo Talaado ah si rasmi ah uga furmay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Shirka waa daah furay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud balse waxaa hadallo ka jeediyay wasiirka arrimaha gudaha iyo arrimaha fedaraalka ahna madaxa guddiga shirka Cabdullaahi Goodax Barre, wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Affeey, hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba, Axmed Madoobe.

Ugu horeen waxaa hadalka qaatay wasiirka arrimaha gudaha, wuxuuna sheegay in maanta ay tahay maalin weyn maadama shirkii muddada dheer la sugaayay uu furmay.

Wasiirka wuxuu kaloo madaxweynaha u sheegay in dadka Jubbooyinka ay qaateen nabadda halkii ay dagaallami lahaayeen, wuxuuna intaas ku daray in ay diyaar u yihiin in ay dhageestaan hadalka uu ka dhihi lahaa furitaanka shirka.

Hadalka Ambassador Affeey

Intaas kaddib waxaa isna loo yeeray danjiraha IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Affeey, wuxuuna goobta shirka ka sheegay in IGAD ay aad u soo dhaweeneyso tallaabada ay qaatay dowladda fedaraalka oo ku aadan shirkan loo qabanaayo beelaha deggan seddaxda gobal.

Wuxuu sheegay IGAD in ay markasta ka dambeeso dowladda isla markaan aay taageerayaan wax kasta oo ay qabaneyso sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale Soomaaliya in ay xubin ka tahay IGAD isla markaana madaxweynaha uu ka mid yahay madaxda IGAD sidaas darteedna ay sharraf u tahay in ay ka soo qeybgalaan shirka ka furmay Kismaayo.

Hadalka Axmed Madoobe

Hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba, Axmed Madoobe ayaa isna hadalka qaatay, wuxuu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin shirka maanta ka furmay Kismaayo, wuxuuna aad u ammaanay madaxda dowladda iyo beesha caalamka oo taageero ku bixiyay qabsoomida shirka.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay haddii khilaafka Jubbooyinka xal laga gaaro in ay la mid noqon doonto Soomaaliya oo xal gaartay.

Axmed Madoobe waxaa kaloo uu sheegay in maamulkiisa uu wadahadal la furay cid kasta oo ka soo horjeesatay isla markaana ay ku guuleysteen arrintaas.

Hadalka Xasan Sheekh

Ugu dambeen waxaa hadalka qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud oo si rasmi ah u iclaamiyay in la furay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka, wuxuuna intaas ku daray in dowladiisa ay aad ugu faraxsan tahay sannad kaddib in ay heshiiyaan dhinacyadii dagaallamay.

Madaxweynaha waxaa kaloo dadka Jubbooyinka u sheegay in ay heestaan fursad ah taageerada dowladda iyo beesha caalamka halaga faa’ideesto ayuu ku yiri.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ergooyinka shirka uu ku furmay ay yar yihiin balse loo baahan yahay in marka uu soo xirmaayo ay intaas ka bataan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula taliyay maamulka KMG ah ee Jubba in shirka dib u  heshiisiinta la ballaariyo, lagana qeyb-galiyo cid kasta oo wax tabanaeysa, si loo helo maamul ay dadku ku qanacsan yihiin oo hanan kara nabadgelyada iyo horumarka deegaannada Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha ayaa ballanqaaday inay dowladdiisa taageereyso dadaallada socda ee lagu heshiisiinayo beelaha gobollada Jubbooyinka.

Ugu dambeen wuxuu ammaanay beesha caalamka gaar ahaan IGAD oo uu yiri waxay dedaal xooggan ka qaatay qabsoomida shirka Kismaayo iyo shirar kale oo loogu dhisaayo maamul u sameenta gobalada dalka.

Waxaa kaloo xasuus mudan in shirka ay ka hadleen wakiil ka socda Itoobiya iyo ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Isku soo duub ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay,gaar ahaan xarunta Ceymiska oo ah goobta uu shirka ka dhacayo waxaana la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadidka.

Furitaanka shirka waxaa kaloo ka qeybgalay wakiilo ka socda, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Itoobiya iyo QM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com