Muxuu Barre Hiiraale ka yiri shirka ka furmay magaalada KISMAAYO?

Muqdisho (Caasimada Online)-Col. Barre Hiiraale oo xiligaani ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan shirka ka furmay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose.

Barre waxa uu sheegay in shirka Kismaayo uu yahay mid aan xiligaani u cuntameynin garabkiisa waxa uuna cadeeyay inuusan diyaar u aheyn Siyaasadaha Axmed Madoobe ee marba dhinac u rogmaaya.

‘’Anigo go’aan ayaan leeyahay wan qaatay Codsiga DF ee ah inaan ka qeybgalno shirka Kismaayo, nasiib daro waxaa ballankii xumeeyay garabka Axmed Madoobe, aniguna mas’uuliyad ayaa iga saaran inaan ilaaliyo sharafka iyo kalsoonida inta i taageersan’’ ayuu yiri waxa uuna intaa kusii daray inay qaadan doonaan Codsiyada kaga imaanaya dhanka DF, wallow uusan ku qancin kan Axmed Madoobe.

Waxa uu Tilmaamay in shirka ka furmay Kismaayo uusan waxba dhaamin kuwii horay loogu qabtay isla Kismaayo, wuxuuna carabka ku dhuftay in Mowqifkiisu yahay inuu banaanka ka istaago shirkaasi.

Sidoo kale, Barre Hiiraale ayaa cadeeyay in Siyaasad ahaa uusan fileynin in Axmed Madoobe uu kasoo bixi karo Heshiisyada dhex mara labada garab, sidaa awgeedna ay jiraan dhaliilo gaar ah oo uu u jeedinaayo Garabka Raaskanbooni.

Dhanka kale, Barre Hiiraale waxa uu DF uga digay inay dhinac u badato, wuxuuna ku baaqay inay dhex dhexaad ka noqoto Siyaasada jirta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com