Kismaayo: Xasan Sh oo shirka furay iyo garabka Barre Hiiraale oo ka maqan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furay shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Kismaayo oo maanta ka furmaayay Magaalada Kismaayo.

Goobta shirka ayaa waxaa ku sugnaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Xukuumada Somalia iyo Wufuud kale oo ka soctay Beesha Caalamka iyo Waxgarad ka kala yimid Gobolada Jubbooyinka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la filayaa in uu Khudbad ka jeediyo Shirka Magaalada Kismaayo islamarkaana uu uga hadli dooono Arrimo ay kamid yihiin sidii Dadka Jubbooyinka dega loo heshiisiin lahaa.

Dhanka kale, shirka ayaa waxaa ka maqan Garabka Col. Barre Hiiraale xili ay Dowlada Federaalka Somalia sheegtay in Barre uu ka qeybgali doono shirka.

Dhinacyada soo qaban qaabiyay shirka ayaa waxa ay ahmiyada ugu weyn siinayeen in Barre Hiiraale uu kasoo qeybgalo shirka, hayeeshe isaga iyo xubno garabkiisa ah laguma arag.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com