25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Xog: Itoobiya oo wadata qaar ka mida maamulada loo sameenaayo Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online)-Ilo xog ogaal ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay door weyn ku lee dahay dhismaha maamul u sameenta gobalada dalka.

Dadka warkan xaqiijiyay ayaa leh Itoobiya waxay sameeneysaa maamul gobaleedyo hoostaga iyaga oo leh ciidamo gaar ah isla markaana xuduud la wadaaga dowladda Itoobiya.

Saifiirka Itoobiya ee Soomaaliya iyo wakiilka IGAD ee Somala Affeey
Saifiirka Itoobiya ee Soomaaliya iyo wakiilka IGAD ee Somala Affeey

Badi maamulada hadda laga sameenayo dalka Soomaaliya waxaa ku lug leh dowladda Itoobiya oo waxaa la dhihi karaa iyada ay hor boodeysa.

Maamulada Itoobiya ay dhiseeso waxaa ka mid ah, maamulka Jubba, koonfur galbeed Soomaaliya,kan gobalada dhexe iyo kuwa kale oo laga sameenaayo dalka.

Maxay u sameeneysaa Itoobiya maamuladan?

Sida ka muuqda qorshaha maamuladan, waa in ay wakiil uga noqdaan dowladda Itoobiya Soomaaliya isla markaana xiriir sokeeye ay yeeshaan kaasoo lagu curyaaminaayo danaha Soomaaliya.

Itoobiya waxay hadda xiriir dhow la lee dahay maamulada Somaliland iyo Puntland oo marar badan ayey madaxda maamulaadaas ay booqdeen Itoobiya heshiisyo gooni ahna la soo galeen xukuumadda Addis Ababa.

Maxaa dowladda looga baahan yahay?

Dowladda Soomaaliya waxay u muuqataa mid dusha ka daawaneysa qorshaha dowladda Itoobiya, waxaana arrintaas uga muhiimsan arrimaha gudaha iyo boobka ay Kenya ku heyso badda Soomaaliya.

Haddii arrintan ay sii socoto waxaa laga yaabaa in dowladda Soomaaliya ay wajahdo xaalad khatar ah in maamulada la dhisaayo ay noqdaan kuwa u madax banaan sida kuwa hadda dhisan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News