Beelaha Biyo Maal iyo Habar gidir oo muddo dheer kadib is hor fadhiistay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in beelaha Biyo Maal iyo Habar gidir uu dhexmaray heshiis lagu soo afjaraayo dagaallo xooggan oo geestay khasaaro oo ku dhexmaray gobalka Shabeellaha Hoose.

Odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda labadaas beel ayaa gogol nabadeed u dhigay labada dhinac, waxaana halkaas looga dhawaaqay in la dhammeeyay colaadii u dhexeysay labada beel.

Sidoo kale waxaa heshiiska lagu gaaray in labada dhinac ay isku celiyaan wixii hanti ah oo ay kala heestaan kuwaasoo lagu kala qabsaday intii dagaalka uu socday.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee shirka ka qeybgalay ayaa warbaahinta u sheegay in la soo afjaray colaaddii Biyo Maal iyo Habar Gidir.

Beelaha Biyo Maal iyo Habar gidir ayaa labadii sanno ee ugu dambeeyay ku dagaallamayay gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana dagaalka uu isku badalay mid ay ku lug yeeshaan dhinacyo kale oo ay ku jiraan xubnaha dowladda oo la kala saftay labada beel.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com