Wafdi IGAD & Xildhibaano oo goordhow ka dagay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online)-Magaalada Kismaayo waxaa goordhow gaaray wafdi ka socda urur gobaleedka IGAD iyo xildhibaanno baarlamaanka Soomaaliya ah.

Wafdiga ayaa markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Jubba oo horkacaayay madaxweyne ku xigeenka, Jeneraal Ismaacil Fartaag.

Wafdigan ayaa la sheegay in ay hordhac u yihiin wafdi kale oo uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo iyana saacadaha soo socda kuwa jahan Kismaayo.

Ma cadda in wafdiga madaxweynaha ay furi doonaan shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka iyo maamulka Axmed Madoobe ay ku qancin doonaan in dib loo dhigo maadama dhaliilo badan ay soo baxeen oo ku aadan shirka maanta.

Faah-faahinta warkan kala soco boggeena Caasimada Online