Weriye shaaciyay inuu geeriyoon doono muddo Lix bil kadib (Waa kuma?)

Britain (Caasimada Online)-Weriye ka shaqeeya Tv-ga WCIA oo lagu magacaabo Dave Benton, ayaa waxa uu daawadayaasha Telefeshinkaasi ku wargaliyay in muddo Lix bil kadib uu yahay shaqsi geeriyoon doono.

Dave Benton, ayaa waxa uu haddalkaasi sheegay warka ka dib waxa uuna sheegay in xiligaani uu la daal dhacaayo xanuunka loo yaqaan Kansarka kaasi oo uu Tilmaamay inuu uga dhacay Maskaxda.

Dave Benton waxa uu daawadayaasha Tv-gaasi u sheegay in Dhakhaatiirta la socta Caafimaadkiisa ku wargeliyeen in Lix bilood ka badan aanu sii noolaan Karin, marka xaaladiisa loo eego.

‘’Haa waxaa lama huraan ah in daawadayaasha aan u sheego inaan geeriyoon doono muddo Lix bil kadib, waana lama huraan in asxaabta iyo daawadayaasha ay si gaar ah isha ugu hayaan xaaladeyda’’

Dhanka kale, Dave Benton ayaa waxa uu kamid yahay Weriyayaasha loogu jecel yahay Telefashinkaasi, waxa uuna hadalkiisa walaac ku beeray Daawadayaasha Tv-ga.

Caasimada Online

Xafiiska Britain

Caasimada@live.com