Faysal Cali Waraabe oo sheegay haddal ka yaabsaday Soomaalida (Muxuu yahay?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Eng Feysal Cali Waraabe oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa sheegay in Maamulka Somaliland ay sameysay Baasabooro uu sheegay in looga maarmaayo kan Dowlada Federaalka Somalia.

Feysal Cali waxa uu Sheegay in Paasboorka Cusub oo dhawaan Maamulka Soomaaliland sameysay uu ka dhaqan galayo qaar kamid ah Wadamada Caalamka laguna aadi karo, waxa uuna Eng Feysal Tilmaamay in kan cusub uu lamid yahay kii hore wadamadii lagu aadi jirayna kan Cusub lagu aadayo.

Waxa uu sheegay in Madaxda Soomaaliland ay  Paasaboorka cusub kumarayaan wadamada Caalamka qaarkood isagoo Tilmaamay in Carruurta Madaxda Maamulka ay iyaguna qaadan karaan kan diblumaasiga.

Dhanka kale, Feysal Cali ayaa sheegay in Paasboorka Cusub ee Somaliland uu ka wanaagsan yahay kan Somali-weyn oo soo jireenka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com